Published:

Muqdisho(Haldoornews)-Sargaal katirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xero ciidan oo kutaala Magaalada Muqdisho waxa uu todobaadkan ku dilay haweeney askariyad ah oo xariir Jaceyl kala dhaxeeyay , sargaalka ayaana isna is toogtay kadib markii uu dilay saaxiibtiis.

Wargeyska The Monitor ee kasoo baxa Dalka Uganda ayaa qoray sargaal katirsanaa Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabayay Aaron Kitakure uu maalintii axada xero ciidan oo ku taala Muqdisho ku dilay askariyad ay xariir jaceyl wadaag ahaayeen kadibna is dilay.

Wali si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka uu sargaalkan u geestay haweeneyda Ciidamada kala tirsaneed ee xariirka kala dhaxeeyay, labada lamaane ayaana kasoo wada jeeda Dalka Uganda , waxaana la sheegay in xariir qoto dheer uu ka dhaxeeyay.

Afhayeenka guud ee ciidamada Milateriga dalka Uganda Col. Paddy Akunda oo wax laga weediiyay dhacdadan ayaa xaqiijiyay jiritaanka arintan, waxa uuna ku gaabsaday in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo xaqiiqda iyo sida ay wax u dhaceen.

Xeryaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Guddaha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca dhacdooyin nuucaan oo kala ah oo sababa in ay is dilaan askarta AMISOM kawada tirsan, waxaana aad u adag in Warbaahinta Soomaaliya ay hesho wararka la xariira dhacdooynka AMISOM dhaxdooda ka dhaca.

 

Haldoornews.com

Muqdisho office

haldoornews@hotmail.com

News Related