Published:

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay dilalka soo noqnoqda ee ka dhaca dalka, waxaanu xukuumadda, Madax-dhaqameedka iyo dad kale ee ay khuseyso u soo jeediyey in qofkii si u kas ah u geysta dil lagu fuliyo Qisaas.

Sheekh Aaden, waxa uu tilmaamay in Qisaastu ahmiyad u leedahay nabadgalyada, haddiise la taageero qof gacan ku dhiigle ah oo aan sharciga la marinin, in fidmada ka dhalataa ay qof kasta halkiisa ugu tageyso.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi β€œWaxaa maanta dil dhacaya mid aanay bulshadu qayb ka ahayni ma jiro, xukuumaddaa qayb ka ah, waayo waxa loogu taag la’yahay (Qisaasta fuliya), imika intaas oo qof oo wax dishaybaa jeelasha ku jira, markii dadku yidhaahdeen magta ma qaadaneyno (ee noo qisaasa), maxaad u haysanaysaa (gacan ku dhiiglaha)…” Sheekhu waxa uu tilmaamay in nolosha gacan ku dhiiglayaasha lagu hayo jeelashu ay dhiiri-gelinayso in dilal kale dhacaan β€œJeelkiibaa lagu masruufayaa, raashin baa loogu geynayaa, kii kalena wuxuu arkayaa inuu weli ninkii nool yahay oo uu rejo qabo, laakiin hadduu og-yahay in shalay hebel la Qisaasey ku dhiiran maayo (Dilka), illeyn waa qof bani-aadam ah oo fikirayee…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey β€œNinka dilay nin kale ee reerkoodii yidhaahdeen Magta ma qaadaneyno ee hala noo dilo, waa in markiiba la dilo (Subxaanallaahi), waayo Islaamka waxa badbaadiyey waa QISAASTA, qofkuna wuxuu ku dilayaa walaalkii waa damac adduunyo…” Sheekha oo sii hadlaya ayaa sheegay β€œIn qofka dila qof kale loo dilo waxa la yidhi nolol baa idiinku sugan, markaa waxaan leeyahay waar Qisaasta hala fuliyo, nin dadka sabab la’aan ku dilaya ama dhul ku dilaya…”

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu ka digay in fidmo aan ku koobnaan qofka dila qof kale ay ka dhalato Qisaas la’aanta iyo taageerada loo fidiyo gacan-ku-dhiiglayaasha β€œHaddaynu difaacno qofka dadka laynaya waxay keeni doontaa in wadaad, waranle, Wasiir, nin Magac sheegta iyo nin lacag leh fidmadu nin walba halkiisa ayay ugu soo geli doontaa. Markaa waxaanu kula talinaynaa dawladda, Cuqaasha, tujaarta, dadka aqoonta leh waar Qisaasta hala fuliyo taas ayaynu ku badbaadeynaa oo aynu nabadgalyada ku ilaashan karnaaye, oo yaan la taageerin magaca uu doono ha yeesho’e qofka si u kas ah u gala dhiig Islaam…”ayuu yidhi, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro).Aadan-siiro

News Related