Published:

wariyeHargeysa(Haldoornews)-Weriye Khadar Faarax Xuseen oo ka tirsan Wargeyska Yool, ayaa Maalintii shanaad ku xidhan saldhiga New Hargeysa ee Magaalada Hargeysa. Lama oga sababta dhabta ah ee keentay Xadhiga Weriyaha.

Hase-yeeshe warar Wargeyka Yool ka helay Saraakiisha Saldhiga New Hargeysa, ayaa sheegay in Weriye laga soo xidhay isagoo waxka duubayaa Xafladda lagu Caleemo saaray Suldaan Cabdiraxiin Saxaardiid.

Xadhigan sharci darrada ah ee lagula kacay Khadar Faarax Xuseen ayaa muujinayaa tacadiga iyo meelka dhaca Xukuumadda tallada haysaa ku hayso Xoriyadda hadalka iyo madaxa-banaanida Saxaafadda. Sidoo kale, hab-dhaqankan cusub ee lagula kacay Wariye Khadar Faarax Xuseen oo ah mid Ugub ku ah bahweynta Saxaafadda Somaliland, in Wariye ku gudo jira hawl-maalmeedkiisi shaqo laga soo xidho goob Xafladdi ka socoto, iyadoo ujeedadu tahay cida Xafladda leh oo aanay Xukuumadda raali ka ahayn.

Geesta kale, wariye Khadar Faarax Xuseen waxa xadhigiisan si adag uu Cambaareynayaa Maamulka iyo hawl-wadeenada Wargeyska Yool ee Goboladda iyo caasimada.

 

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

Hargiesa Office

News Related