Published:

Hargeysa(Haldoornews) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa qaatay dhawr iyo toban shaqaale ah, kuwaas oo laba ka mid ah mooyaane inta kale ay si siman u qaybsadeen toddobada Xubnood iyada oo aan la xayaysiin ama Imtixaan laga qaadin.

Ilo wareed Xogogaal ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa Waaheen u sheegay in lix ka mid ah Toddobada Xubnood ay si siman u qaybsadeen shaqaale cusub oo ka shaqayn doona hawlaha Doorashooyinka iyo wacyigalinta Diiwaangalinta.

Shaqaalaha la qaatay waxay kala yihiin xafiiska wacyigalinta, xafiiska shaqaalaha, Saadka, Xisaabaadka, Qasnaji, Maaliyadda, Bakhaar haye, wacyigalinta Diiwaangalinta, Sawir gacmeed, Filim qaade iyo tababarayaal.

Sida ila wareedka aanu ka helnay warkani sheegayo bakhaar hayaha iyo wacyigalinta Diiwaangalinta (Voter Educationka) labada qof ee loo qaadanayey waxa laga qaaday Imtixaan, waxaana ku soo baxay ninka Wacyigalinta Diiwaangalinta oo la soo saaray magaciisa, hase yeeshee bakhaar hayihii ilaa hada waxa ka taagan muran, halka ku-xigeen aan Imtixaan laga qaadin la keenay shaqada.

Shaqaalaha Macalimiinta loo qaatay (TOT) oo dhan 21 xubnood waxa la sheegayaa inay toddobada xubnood ee Komishanku min sadex xubnood u kala qaateen isla markaana aan wax Imtixaan ah laga qaadin, halka Guddoomiyaha Komishanka isaga si gaar ah warku u xusay in uu keenay dhawr xubnood oo dheeraad ah.

Shaqaalaha la qaatay oo muhiim u ah hawsha baaxada leh ee Komishanka qaranka laga sugayo ayaa u baahan in dadka loo qaadanayaa ay noqdaan dad xilkaasi u gudan karo siyaabo kala duwan, hase yeeshee haddii sida muuqata loo qaybsaday saami qaybsi ku salaysan beelaha ay Xubnaha Komishanku ka soo jeedaan waxay noqon doonaan kuwo lugooyo ku noqda Doorashooyinka.

Shaqa qorista Komishanka Qaranka waxa sabab u ah in la qaato marka Doorasho la maqlo, hay’adaas oo gabi ahaanba magic mooyee aan shaqayn marka aanay Doorashooyin jirin, waxaanay arrintaasi sababta caqabadaha la soo darsa Doorashooyinka marka ay Komishanku guda galaan.

Ma aha in shaqaalaha Komishanka ay Kooxdan imika xilka haysaa sidan u isticmaasho, hase yeeshee marka oo Komishan yimaado arrintan way ku kacaan waxaana kalifaya shaqaale rasmi ah oo aanu Komishanku marka hore lahayn.

Si kasta ha ahaatee Komishankan imika talada haya oo ay horyaalaan Doorashooyin adag oo is-duul yaala waxa horyaala in ay qaataan shaqaale Tayo leh oo mudada Doorashooyinku dib u dhaceen ka saari kara hawlaha horyaala.

News Related