Published:

Guddoomiyaha Xisbiga oo Xukuumadda ku dirqiyaya in shirka la qabto iyo xukuumadda oo ka cago  jiidaysa
Hargeysa(Haldoornews) Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa ku foogan sidii uu Xukuumadda ugu dirqiyi lahaa inay ku taageerto musharaxnimadiisa, waxaanu si uu taas u helo Madaxtooyadda la dul taagan yahay in shirweyne uu isagu maamulayo la qabto, hase yeeshee Xukuumadda talada haysa ee ka soo jeeda Kulmiye ayaan wali arrintaas u riyaaqin.Xukuumadda iyo inta badan Golaha wasiiradda ayaa u arka Shirweyne Gole Dhexe oo xiligan la qabtaa inay keenayso muran xoogan oo abuuri kara in laba Madaxweyne ay yeeshaan Xukuumadda iyo xisbigu, maadaama aanau Madaxweyne Siilaanyo xiligan cadayn mabda’iisa, hase yeeshee Guddoomiyaha Kulmiye u arko inaanu isa soo taagayn.

Sidoo kale, Xukuumaddu waxay u aragtaa maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen isla markaana aanay wali saldhigin in shirweyne la qabtaa tafaraaruq uun Xukuumadda iyo Xisbiga dhexdiisa ka abuuri karto, sidaas daraadeed-na aan xiligan loo baahnayn.

Ilo wareed u dhuun daloola dhaqdhaqaaqii u danbeeyey ee ay isku waajahaan Xukuumadda iyo Koox uu soo abaabulay Guddoomiye Muuse Biixi ayaa ka dhacday habeen hore Madaxtooyadda, waxaanay wararku sheegayaan in ay u bandhigeen Kooxda Guddoomiyaha taageeraysaa in ay wataan Muuse isla markaana loo baahan yahay in shirkii la qabto.

Hase yeeshee, wararka ka soo baxay dhinaca Xukuumadda ayaa sheegaya in lagu qanciyey in dhismaha Xisbiga laga horaysiiyo wax kasta, waxaanay ka gaws-qabsadeen madaxdii ay la kulmeen in xilligan Khilaaf aan oolin la abaabulo.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku kala qaybsan shirweyne wakhtigan la qabto, waxaanay Musharaxiinta kale eek u tartamaysa Xisbigu arkaan illaa inta la helayo wakhti doorasho inaan loo baahnayn in cid gaar ah Xisbigu u shaqeeyo si uu taageerada Xisbiga kalidii u helo, waxaana ka dhashay arrintan Looland adag oo sababay inay saaxada soo galaan musharaxiin cusub oo ka soo jeeda Xukuumadda.

Si kasta ha ahaatee waxa jira caqabado badan oo u waajahan qabsoomida Shirweyne Kulmiye qabsado, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerarka Doorashooyinka ee qabyada ah oo laga shaki qabo inay qabsoomida Doorashooyinka mar kale sii fogeeyaan.

Haldoornews.com

Hargeysa office

contact@haldoornews.com

 

News Related