Published:

Soomaalidu wixii ka horreeyey soo gelitaankii gumaystayaashii Reer Yurub ma jirin wax ku kellifaa in runta ka meermeeraan oo gabayga ama maansadooda maryo u hagoogaan oo maldahaan. Inta badan gabyaagu waxa uu ahaa afhayeenka reerkiisa ama raaskiisa, waxaanu gabaygiisa u xambaarin jiray difaaca dareenka qoyskiisa iyo weerarka beelaha kale xilliyada kala riixashada darka ceelka iyo dhulka carrosanka ah ee daaqsinta ku habboon.
Markii haddaba gumaystayaashu qabsadeen dhulka Soomaalida qarnigii 19aad, waxa is beddelay ku yimi adduun-araggii gabyaaga, waxaana dhashay wacyi siyaasadeed oo bilow ahaa. Dareenkan siyaasiga ahi xilligaas kama horrayn, marka laga reebo kacdoonno diini ahaa oo sinnaa qarnigii 15aad xilligii Axmed Guray, kuwaas oo aan Soomaalida gaar u ahayn, balse ahaa qaddiyad ka dhaxaysa muslimiintii Geeska Afrika.
Soomaalidii hore gabaygu waxa uu ahaa isir u buuxiya kaalinta maanta TV, idaacadda iyo wargeysku ugu jiraan bulshada casriga ah. Qabsashadii Soomaalida dhulkeeda, waxa la dhalanaya dareen waddani ah iyo suugaantiisii siyaasiga ahayd.
Foolaadka gabyaaga waddaniga ah ee markii gumaysigu soo galay sida fiinta u yeedhay waxa ugu horreeya gabyaagii sooyaalka ahaa ee Faarax Nuur. Gabyaagan gumaysiga hortii buu wacyigiisu sarreeyay. Markii la joogay gogoshii qabaliga ahayd inkasta oo Faarax sidii gabyaaga kale ba ahaa afhayeenka reerkiisa, haddana waxa u gaar ahaa dareen iyo wacyi suugaantiisu soo bandhigayso.
Tusaale ahaan wuxuu lahaa geeraarka halista ah:
Ilaa uu falag meero oo
Dhulka fuudhka la saaro oo
Arab meel ka fadhiisto
Maxaa faanka duleed iyo
Faruhu ii tarayaa?!
Faarax waxa uu ka hadlayaa dhul soohdin leh oo loo aqoonsan yahay inta xadkii la jeexay. Dhul soohdin u gaar ah lehi waa isirrada ugu muhiimsan ee dal casri ah lagu gartaa.
Faarax Nuur waxa uu ahaa inta aan ogahay gabyaagii ugu horreeyay ee mawqif diidmo cad ah kala hor yimi soo gelitaamkii gumaysiga, gabay na dareenkiisa ku cabbiray xilligii cuqaashu Berbera heshiiska kula saxeexanayeen ee shacabkuna lahaa “Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn”!
Faarax Nuur waxa tiriyay gabaygiisa caanka ah ee “Waa Duni” oo ku qummanaa aayimihii gumaysigu arlada soo gelayay ee 1887. Waa guubaabo iyo hogatus yaab leh:

Waa duni la kala iibsadoon na la ogaysiine
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumaayaaye
Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye
Orgigaa riyaha taabaxoo oodda faaliga’e
Waa duni hablihii la arki jirey aqankii diideene
Ase ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Ingiriis Amxaaq iyo Talyaan way akeekamiye
Arligeennaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Nimanyahow Isaaq xaajadaa la la ugaagaayo
Odayaasha loo gaynayee la anfacsiinayoo
Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
Haddaad niman islaamiye tihiin Aadan faraciisa
Oo aydaan Ilaahay ka go’in hayna oodina,e
Hadduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Waar inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye!

Waa la qabsaday Soomaalidii oo dhan oo wixii uu Faarax Nuur ka digayay baa dhacay. Soomaali inteedii badnayd way hoggaansantay ama cabsiyi ha gasho oo ha la muquuniyo ama ba garasho la’aani ha hayso’e. Hase yeeshee isla markiiba dad baa ka hor yimi oo si badheedh ah gumaysiga u diiday. Faarax Nuur ba ma oggolayn oo gabaygiisaa inoo marag ah. Waxa geyiga Soomaalida ka kacay Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo Daraawiish abaabulay, dagaalna u hormeeyay. Kacdoonnadii Biyomaal ayaa iyana koonfurta ka heego-heegeeyay, Talyaanigana ku dhuftay wacdaro kuwii Daraawiishi Ingiriiska tustay aan ka dhicin. Halganka Daraawiishta oo ahaa kii ugu horreeyay dhinaca abaabulka iyo xoogga, waxa hormood u ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa gabyaa fadallo cadcaddaa oo si qiimo leh maansada isugu cabbiri jiray. Gabayga qaayo-soorkiisana yaqaannay. Waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee magaca Soomaalida wax ku doona, halka dadkii xilligiisa noolaa wax kaga dooni jireen qaab qabali ah.
Sayidku waxa uu abuuray dhaqdhaqaaq dareen iyo hadafyo gobannimo-doon lahaa oo ka horjeeday gumaystayaashii. Gabayadiisa ayaa ujeeddooyinkaas laga dhex helayaa. Xorriyad doonnimo iyo han-hoggaamiyennimo, ayuu Sayid Maxamed ku suntanaa, hammigiisu se uma suurta gelin, waxaana wax laga saaraa dariiqii uu gaadhitaanka hadafyadiisa u maray oo talo xumo, maamul xumo iyo mayal adkaan ayaa loo aaneeyaa taageeradii uu ka waayay Soomaali badan iyo jabkii soo gaadhay ba.
Haddaan waayey calan lay nashiro tan iyo Nayroobi
Miyaan waayey naamuus janniyo daalac iyo naasil!

Haddaan waayey Ciidoo naqliyo inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayey neefaan xarbada naallo ugu fuulo!
Haddaan waayey ruux iga naxoo ii nasabad sheegta
Miyaan waayey naxariis Alliyo Nebiga jaahiisa!

Mar kale waxa uu lahaa tiiqtiiqsigan:

Loolkiyo lammaa laysku xidhay laabatada qoyska
Haddaan laamadoodsado hurdada waanan ledihayne
Lahanka iyo cadhadaan qabaan laba legdeeyaaye
Leecaanta Soomaali baa luri calooshaye
Luufluuftadaas baan u dhiman laafa lugudkeede
Maandhow laftii iga jabtaan luudayaa weliye
Maandhow lix seben buu fadhiyey Laaso iyo Cayne
Maandhow laxaadkaan qabaa laacib baan ahaye
Maandhow lib baan kala tagaa leexo dirireede
Maandhow ladqabo waa ka duuf aniyo Laaleyse!

Markii Daraawiish la jebiyey ee diyaaradaha lagu duqeeyay xarumaheedii 1919, waxa uu Seyid Maxamed tirinayaa gabay dardaaran oo qiimo badan. Gabyaagii sooyaalka ahaa Cali Dhuux oo ay Seyid hoos-ka-tuur lahaayeen ayaa markii Daraawiishtu sii jabaysay tiriyey baa la yidhi gabay digasho ah:

Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye
Bal dayaay wadaadkii wakaa sii dabayshadaye!
Seyidku markii uu gabaygaas maqlay ayuu gabaygan dardaaranka ah isna tirinayaa:
Ninkii tiisa loo daynayaa haygu diirsado’e
Kol haddaan cid laga daynahayn mawdka dabaqdiisa
Ninkii haatan igu diganayow dan iyo xeeshaada
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka dayn waayey
Nimanyahow dammiinnimada waa lagu dulloobaaye
Dadku waxay jeclaystaan waxaan duxi ka raacayne
Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora-weynaha’e
Daliilkii rasuulkii anaa doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa deeqdan iga hooey
Diintayda anigaan ku gadan dabaqi Naareede
Anaan labada daarood tan hore derejo moodayne

dadow maqal dabuubtaan ku odhan ama dan haw yeelan
nin ragay dardaaran u tahaye doqon ha moogaado
dawo lagama galo gaal haddaad daawo dhigataane
wuu idin dagaayaa kufriga aad u debecdeene
dirhamkuu idiin qubahayaad dib u go’aysaane

marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine
marka xiga dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsad’e
marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraha’e
mar haddaan dushii Adari iyo Iimey kor udhaafay
maxaad igaga digataan berruu diin la soo shiriye!

1920-kii ayaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan cudurka duumada ugu geeriyooday Iimey oo ku taalla dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya (AHUN)
Kacdoonnadaas gumaysigu wuu bakhtiiyay. Xilligaas wakhtiyadii ka dambeeyay waa marka suugaanta sarbeebani xoogaysanayso. Runtii iyo dareenkii dhabta ahaa ee dadka ayaa si toos ah loo cabbiri kari waayay oo maamulayaashii gumaysigaa diiddanaa.
Hayaay bal eega
Hasheenna naaxdaye
Libaaxu haysto
Hashu waa dawladnimadii ama qarannimadii. Hashii geel ee beeluhu kala qaadi jireen ayaa dhulkii iyo qarannimadii lagu metelayaa, libaaxu na waa gumaysigii qarannimada dhacay.
La soco qayb kale
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
facebook.com/baadisooc

Faarax Galoolley

Sheekooyinkiisa oo xigmad iyo qosol miidhan ah, waxa hadheeya dhab-kaftan yeesha nuxur siyaasi ah oo ka muuqaal bixiya marxaldihii dadlka iyo dadku ku sugnaayeen xilligii uu noolaa, gaar ahaan nidaamyada dalka taladiisa u kala dambeeyay gobannimadii iyo midowgii Soomaalida wixii ka dambeeyay 1960-kii. Waxa uu ahaa xubin barlamaani ah oo golihii wakiillada ee dawaladihii rayadka ahaa ka soo gasha degmada Balcad ee gobolka Shabeellada.
Faarax Galoollay waxa kaftan-dhablihiisa siyaasiga ahi heerkiisii u sarreeyay gaadhay xilliyadii Kacaankii 21-kii Oktoobar ee ciidamadu talada waddan mayalka u qabteen ee kalitalisnimada iyo cabbudhinta dadku na cirka isku shareereen, cabsigelinta iyo cagajuglayntu ka mid noqdeen nolosha maalinlaha ah ee Soomaalidii ku noolayd jamhuuriyaddii 1960 dhalatay.
Markii dadka shaadhka iyo surwaalka isku eg loo geliyay ee ruuxii wax kale la yimaaddana ama xabsiga la dhigay ama la dedelay ee “samadiidow dabin baa kuu xidhan lagugu dili doonee-du” caamka noqotay, ayaa Faarax Galoollay ka mid noqonayaa hal-abuurkii dhufaanidda maskaxeed iyo gudhinta maaneed ka gilgishay ee dareenkiisa inuu si kale u cabbiro farshaxannimadiisa iyo aftahannimadiisu siisay. Caannimadiisa golayaasha siyaasadda iyo goobaha siyaasiintu ku kulmaan, ayaa taas si wanaagsan u badhitaartay, saamayntiisa kordhisay.
1. Ninkii qudhahaa ee cadaaladda fali jiray, sharcigana ilaalin jiray (Tarrific Light iyo doolka)
2. Waxa calooshiina miranaya ee cindigiina ka guuxaya ee aad wada jeceshihiin
3. Aabbahaa baa afka naga xidhay ee adna ma dabadaad na qaban
4. Ama afkaaga hayso, ama Afweyne raac ama Afgooye aad
5. Askarigii lugta ahaa (Controle), Ma aamusnaan karo
6. Sawirradaada dalka oo dhan ka soo ururi
7. Goormay dawladda dhacaysaa? Ninka hurda
8. Khudbaaddaada iyo ficilkaagu waa dhay iyo liin la isku daray, go’itaan
9. Sheekadii habraha, hal habar ah ayaan u meel la’ayn shiddadeeda, idinna saddex kalaad ku soo kordhiseen, Alle ha sahlo! Goosha iyo aarka, gooshaa dagaal xun.

1. Dawladdii rayidka: Balcad, Shabeellada Dhexe: Reer Mataan, lixda Shiidle (Daa’uud Aadan Yabeel), Taliyaha Police Maxamed Abshir Muuse Mataan. Waxaa diraray qoys Reer mataan iyo Qaniil Reer Mataan Cabdulle ayaa is qabtay, qoyskii reer Reer Muuse Mataan ayaa kursiga iyagaa i soo dhiciyay: Caasha Muuse Mataan Xaaskii Aadan Cadde: Foodkii 1964
2. Nimankii reer-Mataan Cabdiile ee reer Balcad ee kursiga loogaga soo adkaaday, ayaa Xamar yimi, waxay ku dacweeyeen Faarax waxna ma qori karo, waxna ma akhriyi karo. Sharciga xubinta barlamaan lagu noqdo : waa in inuu saddexda luqadood midkood qori yaqaan, kuna hadli yaqaan. Maxkamadda Sare layla tegay. Imtixaan baa laga qaaday, waanu gudbay.
3. Rothmans and Careven A : Laba nin Abdirisaaq X. Xuseen monopol siiyey: Tarraq ama qaraf ama kabriid intuu qaaday ayuu ku yidhi qaraabo in Sigaar loo daaro ayay u baahan yihiin. Qandaraas/ monopoly (xuurto) Tarraq. Kaftan iyo wada sheekaysi
4. Raysal wasaare Cigaal noqday 1967. Cabdirisaaq xisbi mucaarad ah (Dabka). Faaraxow waataad subax walba ii iman jirtay illayn danaystaad ahaydoo kursigaad igula saaxiib ahayd. Faarax : Anigu shilin kama caqli liito oo inta neefku nool yahay bay ku dheggan tahay, hadduuyse dhinto way ka fuqdaa.
5. Maxamed Abshir X Galoollay. 1960s Russian Projects. Dibiile (Dibi baa ku sawirraa). Gaadhi xun oon la jeclayn xagga farsamada. Soomaali iyo Ruus gaadhigaas baa isku diray, Daarood iyo Hawiye na Maxamed Abshir baa isku diray.
6. Nin xildhibaan ah (Laascaanood): Xaaskii Faarax baa ku soo baxday niman badan oo gurigii hobshaynaya. “Guriga iiga baxa” Gabadhii. Naa guriga nin xilbaan ah baa naga kireeyay ee buuqa nala dhaaf. Barlaamaankii baa mooshin la isugu yimi. Xildhibaankii reer Laascanood ayaa Faarax ku xifaaleeyay in marwadiisu ka adag tahay. Galoollay: Dumarku waa inaga wada adag yihiine waad iga tol fiican tahay oo waa kuwii heblaayo kaa xabbad raaciyay.
7. Rock field USA gacan sii duubasho, Weriye; Gacanta miyaad ka jaban tahay?
8. Afgooye beer ku taalla ku urur madaxdii dawladdii hore markii Kacaanku dhashay: Ama Afgooye aad, ama Afweyne raac ama afkaaga hayso. Maxamed Siyaad aqoon hore : Faarow maxaad kacaanka ka rabtaa? Magacaygu waa postal ticket waraaqaha lagu diro. Faarax baa yidhi!
9. 1972 Baar Fiat Faras magaalaha (Xashiish lahaa, intaan Curuba la furan la fadhiisan jiray). Maxamuud Cilmi Bawdole’eg (Cayr) (CID), nabad sugidda na Axmed Saleebaan Dafle. Bawdole’eg X Galloolay (Handaad). Haddii aannu Kacaanka ammaanno Bawdo le’eg baa na xidhaya, haddii aanu cayna Dafle. Bawdo Le’eg casilaad, waxa na loo dhiibay Booliska qaybta waqooyi bari (Burco).
10. Reer Diini waa 3bahood: Bah Ugaadeen, Bah Xawaadle iyo Bah Dalandoolle (Naanaysta Daa’uud Abgaal oo Faaraxna ka dhashay). MSB Bah Dalaldoolle. Daflaa xidhay Galoollay. MSB u yeedh Galoollay iyo Dafle isku xafiis. MSB “Faaraxow waxaan macruuf ahayn, waataan sidaan kuu yeelay ee maad dhibta naga daysid. Faarax: Anigu dhib ma wado. Gabar yar oo Suubban MSB la yidhaa oo sawirkaan qabo, ayaa i xirta, waxaan se la yaabay, Eeddaday Faadumo Suufi Cali Kobdheer Dalandoolle waxay ii dayn wayday ayaan la yaabay. MSB X Dafle ninka ayeeyday aakhiro ugu tegay marka dambe ilqalloocan ha ku eegin. Faarax dib looma xidhin.
11. Diiriye Lugoole (Jubba iyo Fiat). Nin xifaale badan. Indhoole qardajeexa oo kolba meel ku dhaca oo kolkaad qabo tidhaa odhan jirey waar idaaya waan u jeedaaye. Nin kale oo wax u dhiman yihiinna waa jiray oo dawladda Allow daba geddi na waa jiray. Lugo la’aan Habargidiraa ku fiican, Indho la’aana Majeerteen, Waallina Abgaal baa ku fiican oo kaas dhaqanaya, haddana dhiman.
12. Faaraxow tubaakada ma cuntaa? Inaanay nafaqo lahayn waxaan ku arkay HG baa tufaysa! Hadday nuxur iyo waxtar leedahay HG ma tufteen.
13.baashe

News Related