Published:

Ciidamo beeleed hubaysan ayaa isku gadaamay habeenimadii xalay Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood kuwaasoo ka hortagayay in la qaado maxaabiis xabsiga kujirta,

Dhacdadan ayaa timi kadib markii laga war helay inay magaalada soo gaadheen 2baabuur nooca loo yaqaan shabaqlaha ee maxaabiista daabula kuwaasoo la doonayay in lagu qaado qaarkamid ah maxaabiista xabsiga oo la sheegay inuu buuxsamay.

Ragg hubaysan oo aad u tiro badan ayaa xabsiga isweer ka qabtay kuwaasoo lagu wargeliyay in la qaadayo 3nin oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad oo loo soo qabtay inay qayb ka yihiin iska hor imaad bishii Ramadaam ku dhexmaray beesha Jama siyaad iyo Beesha Sacadyoonis deegaanka Guumays taasoo ay ku dhinteen 2 nin.

3dan nin ee xidhan ayaa ah eedaysanayaal inay iska hor imaadkaas qayb ka ahaayeen ,iyadoo iskudayo la doonayo nimankan in loogu wareeejiyo xabsiyada Burco iyo Hargeysa ay ka dhasheen khilaafaad xoogan, haddii layskudayo markalena ay sababikarto iska hor imaad toos ah oo dhaca.

Baabuurtii maxaabiistaas lookeenay ayaa saaka dib u noqday iyagoo madhan.

News Related