Published:

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaan jiray Mudaneyaasha daacadda u ahaa Kulmiye, balse gadaal ka biyo diiday siyaasadda Kulmiye haatana Xisbiga Waddani ka tirsan ayaa guddoomiyaha Kulmiye ugu baaqay inuu aragtidiisa ka dhiibto xaaladdaha waddanka ka jira.

Waxa uu soo qaatay dhacdooyin uu ku dooday inay munaasib ku ahayd in Muuse ka hadlo oo uu afka ka xidhay, waxaana uu sheegay inay dambarsan doonto aamusnaanta uu ka aamusan yahay dhacdooyin ku haboon inuu ka hadlo.
“Waxaad I xasuusiseen Mujaahid Muuse Biixi, ninkii aanu saaxiibka ahayn ee salla calee aan muddada dheer tuurta ku siday. Muusow haddaad tidhaahid ka hadli maayo Berbera, ka hadli maayo Hargeysa, ka hadli maayo Salaadiintaydii, ka hadli maayo waxa waddanka ka dhacaya, ka hadli maayo gurigaaga waxa lagu samaynayo, kursina waan rabaa Muusow iskuma helaysid labadaas,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa intaasi raaciyay “Illaahay baa kursiga bixiya ee Siilaanyo ma bixiyo kursiga, waxaad ogayd wixii shalay raggaagii ku dhacay, mid mid baa qoorta loo qabtay, habeenna kamaad hadal, abtiyaashaa baad ogayd wixii ku dhacay kamaad hadal, salla calee, Muusow anigu waxaan u malaynayaa magac xumo iyo kursi la’aani inay ku wada qabsan doonto,” ayuu yidhi XIldhibaanku.
Guddoomiyaha Kulmiye oo ah hogaanka xisbiga ay ka dhalatay xukumadda haysa hogaanka dalka ayaan inta badan ka hadal dhacdooyinka xukumadda lagu dhaliilo inkasta oo uu mararka qaar difaaco xukumadda kuna tilmaamo mid waajibaadkii loo doortay ka soo baxday.siciid

News Related