Published:

Hargeysa (Haldoornews)- Dayax-madoobaad dhammeystiran (Full Lunar Eclipse), ayaa subaxnimadii hore ee Isniintii Saaka laga dareemay qaaradaha Afrika iyo Eeshiya, gaar ahaan bariga Qaaradda Afrika kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax, iyadoo la arkayey in dayuxu dhammaantii uu madoobaaday.

Dayax-madoobaadkan oo laga arkay Caalamka oo dhan Subaxnimadii hore iyo qaybihii dambe ee habeenimadii iyo subaxnimadii hore ee Isniinta maanta 28 September qaaradaha Eeshiya, Afrika & Yurub iyo Qorax-dhaca maalinimadii Axadda ee shalay oo laga arkay qaaradaha Koonfurta iyo Woqooyiga Ameerika, ayaa lagu tilmaamay dhacdo dhif ah oo rubuc-qarni kasta la arko hal mar.

Dayax-madobaadka ayaa magaalada Hargeysa laga dareemay markii laga soo baxay Salaaddii Subax, waxaana masaajidada magaalada laga tukaday Salaad Eebbe lagaga magan-gelayo masiibooyinka ku-cibro-qaadashada mudan ee ku lammaan dhacdooyinkan.

Sida ay sheegaan khubarada cilmi-falagga, Dayax-madoobaadkan waxa sababa marka Dayaxu ku beegmo ama hoos-galo Hadhka Dhulka, taas oo ka dhigan in Dhulku ku beegmo meel u dhaxayso Qoraxdda iyo Dayaxa oo isagu ku tamariya ileyska Qorraxda.

datax

News Related