Published:

Hargeysa (Haldoornews) Ciidamada Booliska Madaarka Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Fananiintii Xidigaha Geeska Ee Muqdisho Tagay Dhawaan Fanaaniintan oo ka koobnaa afar ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha hargeysa kadib markii ay saaka kasoo degen islamarkaanan kasoo laabteen socdaal ay kutageen magaalada Mugdisho ee dalka somaliya.

Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa Socdaalkooda Magaaladda Mugdisho u tagay siddii ay Munaasibadda Ciida Xafladdo Uga dhigi lahaayeen Magaaladda Mugdisho balse Xukumadda somaliland ayaa ka biyo diiday eryo Gef ku ah Qaramanimadda somaliland oo ay fanaaniinta Xigidaha Geesku Kaga dhawaaqeen Magaaladda Nairobi iyo Magaaladda mugdisho oo ay in muddo ah ku Maqnaayeen .

Baraha Bulshaddo ku kulanto ayaa si aad ah loogu Hadal hayay Tagitaanka Fanaaniinta Xidigaha Geeska waxaanna La arkayay Sawiro ay qaarka mid ah Fanaaniintu xidhan yihiin oo si aad ah loogu baahiyay baraha Bulshadda sidda Facebook iyo Twitterka.

 FB_IMG_1443358737960

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa isna saxafada u sheegay in fanaaniintan loo xidhay-siduu hadalka u dhigay- barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida somaliland oo ay muqdisho kaga soo qayb galeen iyaga oo buu yidhi shaqaale  ka tirsan wasaaradda warfaafinta somaliland .

News Related