Published:

images

Hargeysa(Haldoornews)September-15-2015-Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland soo dhaweynayso hadal dhawaan ka soo yeedhay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, kaasi oo ku saabsanaa inuu Somaliland wada hadal la galayo.

Mudane Baashe waxa uu sheegay in wada hadal hore u socday, haddana la rajaynayo inuu dhawaan bilaammo, balse Cali khaliif ayaa isagu hadalkiisa ku daray inaanu jirin wada xaajood hore oo socday, marka laga reebo guddi uu sheegay inuu magacaabayo si ay Somaliland ula xaajooto.

“Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, in wadahadal lala galo Cali Khaliif Galaydh, oo wixii tabasho ah ee jirtay lagu dhameeyo wada hadal iyo is-afgarad, waana tallaabo fiican. Somaliland waa la ogaa oo wakhti hore ayaa madaxweynuhu gogol nabadeed u fidiyay. markaa aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay haddii ay iyaguna qolada Khaatumo soo dhaweeyeen in la wadda hadlo, Somaliland-na diyaar ayay u tahay inay wada hadalka ka qaybgasho, ayuu yidhi Baashe oo la hadlay Wargeyska Dawan.

Mr Baashe waxa uu sheegay in qorshaha wada xaajoodku muddo socday “Wakhti dhawayd ayaa la goostay in lala hadlo qoladda Khaatumo, wada hadaladuna way socdaan, laakiin wakhtigii iyo balantii ayaan weli la qaban. Xaggan Somaliland-na gudi ayaa loo saarayaa wada hadaladda ka qaybgasha, laakiin weli in mudadii la qabto ayaa hadhsan. Markaa wada hadalkii halkana wuu ka socdaa u diyaar garowgiisu, wuxuun baa la isla sugayay sidii la isku qabili lahaa.

Waxay ahayd in ay mar horeba wada hadaladu bilaabmaan waa la is-dhafdhaafay ciidii Ramadaan ka dib inay wada hadaladu bilaabmaan ayaanu filaynay, laakiin raggii xidhiidhku noo socday ayay qaar kala maq-maqnaayeen,” ayuu yidhi Baashe.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo aanu waydiinay sababta keentay wakhtigan in Cali Galaydh soo dabco, iyadoo hore loo ogaa halka uu ka taagnaa arrimaha Somaliland iyo gooni isku taageeda, waxa uu ku jawaabay “Waxani waa iska siyaasad oo marba meel ayay taagan tahay, markaa waxaa loo qaadan karaa, waa wada hadaladii hore ee socday inuu soo dhawaaday wakhtii la wada hadli lahaa. Waa siyaasi, siyaasiguna, anigu ku odhan maayo waxaas ayaa ku dhaliyay. Mar haddii uu isagu soo dhaweeyay, Somaliland-na way soo dhawaynaysaa, wada hadalkaasi horena wuu u socday hadana waxaanu rejaynaynaa in ay wakhti dhaw wada hadalku uu bilaabmo”

Waxa kale oo aanu waydiinay Baashe Maxamed Faarax, waxa ka jira warar sheegaya in wada hadaladani ay ka qabsoomayaan magaaladda Addis Ababa, isla markaana ay qayb ka tahay dhexdhexaadinta dawladda Itoobiya waxaanu yidhi “Maya, maya, wada hadalku weli wakhti iyo meel la qorsheeyay in lagu qabto midna ma leh.

Marka lagu heshiiyo meesha lagu wada hadlayo iyo tiradda dadka ka qaybgalaya, marka hore waxaa la qorsheeyay inay dad koobani is-arkaan ayaa la qorsheeyay. Laakiin faahfaahintu waxay tahay meesha lagu wada hadlayo inay Addis ababa noqon doonto iyo inay Nairobi noqon doonto, weli lama oga, meel kasta oo ay yidhaahdaan way suurto-gelaysaa Somaliland diyaar ayay u tahay. Laakiin wax dawladda Itoobiya ku dhex jirtay maaha ee waa wax ka yimid madaxweynaha Somaliland in wada hadalka la bilaabo”.

Sidoo kale mar la waydiiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda in wada hadaladii hore ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo in si fool-ka fool ah ay ula kulmeen Cali Khaliif laf ahaantiisa iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Waxaanu hore ula kulanay xubno kale oo aan Cali ahan, laakiin raga waaweyn ee Khaatumo ka mid ah, ayaa wada hadalku noo bilaabmay, waxaananu rejaynaynaa in wada hadaladan hadda Cali Khaliif iyo rag kaleba ay ka soo qaybgalaan” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Abuuritaankii maamulka Khaatumo oo uu lahaa Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxyaabaha uu ku doodo inay keentay samaynta Khaatumo, waxaa ka mid ah in Somaliland aanay wax mashaariic horumarineed ah ka hirgelinin degaamadda Sool, isla markaana uu isagu u raadinayo bulshadda Sool xaqoodda.

Hadaba doodad noocaasi ah ee uu qabo Cali Galaydh haddii la yimaaddo maxay ku qancinaysaa Somaliland. Baashe Maxamed Faarax oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wada hadalkani wax shuruud ahi kuma xidhna, waxaana lagu balaamay in bilaa shuruud wada hadaladu ku bilaabmaan, dee qolo waliba waxa ay la imanayso iyada ayay u taala. Laakiin Somaliland wada hadalka way soo dhawaynaysaa, waana wax ay weligeedba raadinaysay, inay umaddeeda wixii wax tabanaya wada hadal iyo is-afgarad ku dhamays laakiin colaad iyo dagaal uusan cidnaba waxba taraynin waanad ogaydeen oo wakhti badan ayaa madaxweynaha Somaliland uu sidaas u soo jeedinayay”.

News Related