Published:

Dadkan oomanee

Badh amaah tageen

Badhna oomatiyo

Iidaanka helin

Nimuu aabihii

Ajashiisi huray

Inay ooridiyo

Ubadkiisu nabad

Aayar ugu ladaan

Aduunkawga tagay

Agoomawga iyo

Arad beel la’aw

Isu raacdayoo

Dabadeed irdhada

Orod iyo tahriib

Arxan buu bidee

Yuu eersadaa

 

Ubixii dalkoo

Aroortii allaba

Arjiyana sitoo

Iridaada tubin

Adba waad ogtee

Axmedoow maxaa

Arinkaaga yaal??

 

Olalii markaad

Ii codeeya tidhi

Ayaantaa danbaw

Kumannaan arkine

Ujadeedu talaw

Ma waxay ahayd

Awrkay ha kaco

Haduu oogsadana

Is makeekidee

Adigiyo iskaa

Afku odhan ogaa’

Eray weeye culus

Oo Amuur watoo

Adba waad ogtee

Axmedoow maxaa

Arinkaaga yaal

 

Awaw iyo awaw

Oodiyo ka ood

Ag Ilaa ka aag

Aqalkaan ku koray

Meel aan ahayn

Il ma saarinoo

Adinku Ima gayn

 

Ardeybaan ahaa

Aflaxoo tacliin

Aqoon yahan noqdee

Waalidkii intuu

Afartiisi neef

Ii iibiyee

U amaah tagay

Anigoon abaal

Irbadna uga celin

Ilamaa hadeer

Waa ayaan Daroo

Adba waad ogtee

Axmedoow maxaa

Arinkaaga yaal

 

Ma ufaan kacsha

Ma alwaan lidaa

Ma ulqaan tabaa

Ma adeedab baan

Isku soo orshaa

Ma waxaan abdiyo

Samo lagu ogayn

Oo Abwaano bari

Ka afeef dhigteen

Utun iyo dhigeed

Inkaar aasanoo

Iilka jiifsataaan

Oohoow idhaa

Ma aleelihii

Araweelo iyo

Eexdeedibaan

Dib usoo ulkaa

Aar daboole iyo

Orgomii samaan

Dadku eedaybaa

Soo awaal baxshaa

 

Kuu afeef dhigtoo

Eraygaga waa

la ajiibayaa

Idamkii alloo

Adba waad ogtee

Axmedoow maxaa

Arinkaaga yaal

News Related