Published:

Kismaayo*Haldoornews)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Nabad Sugida ay magaaladaasi ka wadeen howlgalo ay ku baadigoobayaana haween ay sheegeen in ay qabaan xubno katirsan Al-Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Howlgalo ay Ciidamada sameeyeen lagu soo qabtay in ka badan 60-haween uu sheegay in ay qabaan saraakiil iyo xubno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay Sargaalkan katirsan Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland in haweenkaasi gacanta lagu hayo ee qabaan xubnaha katirsan Al-Shabaab laga musaafurinayo Magaalada Kismaayo loona dirayo halka ay joogaan ragooda.

Saraakiisha Nabad Sugida Maamulka Jubbaland ayaa ku tuhmay haweenka ay sheegeen in ay qabaan xubno katirsan Al-Shabaab ee Kismaayo ku sugan in ay wada shaqeyn kala dhaxeyso kooxdaasi ayna u gudbiyaan xogta magaalada .

Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxa ay dilal iyo qaraxyo qorsheesan ka geestaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, maamulka Jubbaland ayaana marar badan shaaciyay in ay wax badan ka badali doonaan amaanka Magaalada ayna la dagalami doonaan Al-Shabaab.

News Related