Published:

Hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela Merkel – oo hadashay kaddib kullanka EU, waxa ay sheegtay in madaxweynah Bashar Al-Asad laga qeybgeliyo kulamada si loo dhammeeyo dagaalka Afarta sano ka socda Suuriya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Mareykanka iyo Ruushka laga qeybgeliyo hannaanka.

Dalalka ugu dhaqaalaha iyo xoogga badan ee Carubta iyo bariga dhexe, sida Iiran iyo Sucuudiga ayey dalbatay in xalka Suuriya ay wax ka raadiyaan.

Isbuucii la soo dhaafay, Mareykanka waxa uu diiday baaq uga yimaaday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Baaqaasi ayaa ahaa in lala shaqeeyo dowladda Bashar Al-Asad si looga adkaado muqaawamada iyo kooxaha Islaamiyiinta ee Suuriyo iyo Ciraaq.

News Related