Published:

Axmed Maxamed oo ah 14 sano jir dhigta dugsiga dhexe ee magaalada Irving, ee gobalka Texas ayey booliiska saacado xabsi ku hayeen kadib markii Saacad uu gacantiisa ku sameeyey oo uu geeyey iskuulkiisa loo maleeyey inuu ahaa bambaano.

Axmed oo ah arday jecel inuu gacantiisa ku sameeyo qalab kala duwan ayaa doonayey inuu macalimadiisa tuso saacada uu sameeyey, balse Maamulka Iskuulka uu dhigto ayaa Booliiska u yeeray kadib markii ay ka shakiyeen saacada oo ay ku tilmaameen Waxyaalaha Qarxa, dhacdadan oo la yaab ku noqotay shacabka Maraykanka.

Booliiska ayaa Axmed geeyey saldhiga iyagoo wareysi ka qaaday isla markaana intii ay hayeen u diiday inuu waalidkiisa waco, balse Axmed ayaa xabsiga laga siidaayey kadib markii Waalidkiisa ay tageen saldhiga lagu hayey, arrintan oo laga yaabo in Qoyska Axmed ay dacwad kusoo oogaan Booliiska magaaladaasi oo si sharci daro ah ku xiray cunugan aan qaangaarin oo aan wax danbi ah gelin.

News Related