Published:

β€œMar haduu hogaamiye

Loowada hanweynaa

Haramaha la tuuriyo

Huubaha la saydhiyo

Hebelada canbaarta leh

Isa soo hareer tubo

Hunge iyo inuu yahay

Nimaan hawsha wadi Karin

Waa hal lagu ogaan karo

Mar haday habaaraan

Maatidu higaad shaan

Ama hiifo kuuligu

Waa habeen madaw iyo

Gudcur soo haamaamsaday

Mana laha wax haybada

Waanuu hoodo daran yahay”

Maansadii Hogaamiye ee Abwaan Xasan Daahir (Weedhsame).

 

mustafe

Taariikhdu Waa Maguurto laga Raadraaco Sooyaalka iyo Waayaha Nololeed Shaqsi kastaa wakhtiyadii uu soo qaatay Wanaag iyo Xumaan. Hogaamintuna Waa halka ugu Saraysa talada Dalka ee Go,aamada Umad lagu hagaa ka soo baxaan,Hogaamiyaha Wanaagsani Waa mid Haysta Jid Toosan oo qeexaya Qorshe Cad oo u Hogaansamaya Sharciga iyo Xeerarka Bulshada uyaala, si uu Shacabka u Tuso in aanay jirin Cid Sharciga ka Wayni, Waana Masuulka Hankiisu yahay inuu Hirgaliyo Himilada Shacabkiisa, waxaanu Illaahay kaga Baqaa Ammaanada Loo dhiibay.

Hogaaminta Somaliland Waa mid heerar kala gadisan soo martay,Hogaamiye kastaana Meel soo gaadhsiiyay tan iyo markii la Hirgaliyay Haykalka Dawladanimo ee Taabo galay 18 may 1991-kii markii Somaliland Xornimadeeda Dib ula soo noqotay, Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waa Hogaamiye Xilal kala Duwan ku soo Hogaamiyay Shacab reer Somaliland Tan iyo Halgankii Dib uxoraynta Dalka isaga oo ka mid ahaa Asaasayaashii SNM balse aan Dhamaystirin Hankiisa iyo Hadafkiisii Hogaamineed.

Axmed Waa Hogaamiyihii ugu muddada dheeraa Xilka Gudoomiyaha SNM soo hayay intii halganka lagu jiray, Waxaa Lagu Xasuustaa Taariikhda oo Saaxiibadii ku Dhaliilaan Go,aan Qaadasho la,aan iyo Dhamaystir la,aan Hadafyadiisa Siyaasiga ah ee uu Umad ku Hogaamiyo, Waxaana la Xusi karaa Cadaalad Darooyin iyo Tacadiyo ay Tirsadaan Β Mujaahidiintii ay saaxiibada ahaayeen wakhtigii Halganka, kuwaasi oo Qaarkood ku Doodaan in uu Caqabad ku ahaa halkanka SNM intii uu Hogaanka hayay oo Gabbood Fallo badani ka dhex dhaceen Ciidamadii Jabhada SNM , Waakan Abwaan haybe Faarax Nuur oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Duurka ugalay Dib uxoraynta Dalka oo Weedho ku Cabiray Hogaamintiisa iyo Hadafyadiisii ugu Waawaynaa Wakhtigii Halganka β€œTaliskii Siyaad iyo Markaan Faqash Tacaalaynay, Talla Xumadu Waa wuxuu kugu Badalay Tuurba barigiiye, Taariikh ururro kale leeyahaa soo Turjumataaye, Β Tagisteeda Xamar Waad jeclayd tan iyo Waagii”

Waxaa Sooyaalka Taariikheed ee Somaliland ku jirta jidkii uu umaray Go,aan Qaadashadii Dalka lagu Soo galay Alle ha unaxariistee C/raxmaan axmed Cali (C/raxmaan Tuur) iyo Hankiisii ahaa in Dalka la Xoreeyo, Halka uu axmed Siilaanyo Dalka ka Dhoofay Wakhtigaasi. Marka laga Tago Xilal Wasiir oo uu ka soo qabtay Dawladii Alle ha unaxariistee Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal, waxaa Shaaca ka Rogay Wajiga dhabta ee Axmed Siilaanyo siddeedii Sanno ee uu Mucaaridka ahaa iyo Shantii Sanno ee uu Xilka Madaxtinimada Dalka hayay oo Faraq aad uwayni ka soo baxay isla markaana Waji aad u kala Fog ummada Somaliland ku Bartay marka laga eego Hogaamintiisa iyo Balanqaadyadiisii wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, taasi oo ay dheertay Awood la,aan dhinaca Da,da ah oo u nuglaysay in xilkiisa ay ka Faa,iidaystaan Xubno aan Nasteex u ahayn oo Magaciisa Dilay isla markaana Dhamaystiray Barashada wajigiisa Dhabta ah.

Axmed Siilaanyo intii uu Mucaaridka ahaa Waxa uu Sameeyay Balanqaadyo Tiro badan oo Badankoodii Beenoobay, waxa uu Buriyay Balanqaadyo uu Fagaarayaasha kaga Faani jiray oo ay ka mid ahayd Furitaankii Idaacadaha Madaxa Banaan, Xukuumadiisu waxay ku Talaabsatay intii uu Xilka hayay Talaabooyin Dhaawac ku ah Dhawaaqyadiisii hore kuwaasi oo marwalba ka qaylin jiray in Xukuumadu (Udub) ku kacdo, Taasi oo ay ka mid ahayd Faragalinta Golayaasha Qaranka, Garsoorka, Xadhiga Suxufiyiinta iyo Bulshada Qaybeheeda kala Duwan ee loo Xidho Cabirka Fikradahooga Aasaasiga ah.

Axmed Siilaanyo Mar kasta oo uu Xil Qabto waxa uu Waayaa Saaxiibaddiisa dhabta ah ee Dhib iyo Dheefba ay soo wadaageen, waxaanu Talada ka Qaataa ummadda in gaar ah oo awoodaha Sharcigu Siiyay si Qaldan uga Faa,iidaysta, isla markaana la Wadaaga Go,aamada Hogaamineed ee talada Dalka uu ka qaadanayo, Abwaan weedhsame ayaa waxa uu yidhi

β€œ Himilada dad leeyahay

duul baa usoo hadha

Hawadoodu been iyo

Damac iyo hunguri tahay

Hilinkay kuseegaan

Harawsiga is moosiis

Dadna way haleeyaan

Dad ma kala hambaystaha

Danta uma hagoogtaha

Maantada habaaskiyo

Halasuhu ku yuu raro

Iyagoo habeen qada

Codka ii hibeeyiyo

La dhax tagay hinaasuhu

Ma hogaamiyuu noqon?

Sumadaha hogaamiye

Lagu hayb yaqaanaa

Waa hayaal samaantiyo

Kibir laga hayaamiyo

Huwashada xaqiiqdiyo

Habka dhaqan adoonimo

Hogashada Ilaah garad

Dadka kiisa hodanka ah

Iyo hebelka caydha ah

Ama kiisa hanadka ah

Iyo sooma hoydaha

Hadda uuni sudhantahay

Waa hadhaca ay eegtaan

Kudarsoo hadhkiisana

Hormo gaara baan dagin

Hugga suudh nin qaatiyo

Inta shaalka haysuun

Hadda hadalka kama guro

Inta hayla duugiyo

Calal hoolmay sidatiyo

Danyaraha hal soo biday

Hadda heegan kuma diro

Ka hiroo udiidoo

kadinkiisa ku handada

kabo qaadku heestiyo

haaheeyda kuma sabo

dadka oo haraad qaba

sicir bararna heemiyay

guulwade habawshaa

ka hoostiisa kama tumo

heelada barwaaqada

 

La Soco Qormada labaad

 

Qalinkii: Β Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)

mccfuture@hotmail.com

 

News Related