Published:

Hargaysa(Haldoornews):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo ayaa caawa booqasho ku tagay goobo ka mid ah Xaafaddaha Caasimadda Hargaysa ee xarunta Somaliland

????????????????????????????????????

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo la socday booqashadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee caawa, ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo uu booqasho lama filaan ah ku tagay guriga uu Caasimadda Hargaysa ka degan yahay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),halkaasoo uu caways kooban kula qaatay Qoyska Xildhibaan Nacnac, iyadoo uu Xildhibaankunna ka mahad-celiyey booqashada Madaxweynaha, maaddaama lagu jiro farxadda munaasibadda Ciiddal Adxa.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu cawayskaa gaaban ee uu ku tagay guriga uu magaalada Hargaysa ka

degan yahay Xildhibaan Nacnac, dabadeed uu sii watay booqashadiisii, waxaannu uga sii gudbay dhinaca Hotel Ambassador ee Caasimadda Hargaysa , iyadoo uu halkaas-na wakhti kooban ku sugnaa, hase yeeshee soo dhawayn, kaftan iyo haasaawe cabbaar socday kadib, waxa uu Madaxweynaha Somaliland u soo dhaadhacay dhinaca suuqa wayn ee Caasimadda Hargaysa, halkaasoo markii uu gaadhay uu tirraba dhawr meheradood booqasho ku tagay.

Inkastoo booqashadda Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo ay kedis ku noqotay meelihii uu tagay oo dhan, haddana si diiran ayaa loogu qaabillaayey goobahaas uu cawayska ku tagay oo dhan.

Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo uu si kedis ah booqasho ugu tago meelo ka mid ah Caasimadda Hargaysa, hase-yeeshee dhawr jeer oo hore ayuu sidan oo kale Madaxweynuhu booqasho ugu baxay Xaafaddaha magaalada Hargaysa, balse tani waxa ay kaga duwan tahay waxa uu ku beegay farxadda munaasibadda Ciidda oo lagu gudo-jiro.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado tibaaxahaa guud ee aanu ka helnay ujeedadda safarkan kediska ah ee uu Madaxweynuhu caawa ku soo maray Goobahan ka sokow, ma jiraan warar dheeraad ah oo si dhab ah u xusaaya in safarka Madaxweynahu uu lahaa Ujeedooyin kale oo u gaar ah.

 

contact@haldoornews.com

 

News Related