Published:

mubarig farhan farahManta waxaan jeclaystay in aan nolosha aduunyada wax ka idhaahdo uguna sheego si-cilmiyaysan oo ay dadku kula fahmi karaan intii aan karikaro.

Aduunyadan aanu ku noolnay waxaa iska jira in ilaahay amarkiisa ku socota oo aan cidina badalikarin kuna hanuunsanaan doonto sidii alle qadaro balse waxaa iska jira in ilaahay ka abaal mariyo qofka dadaala uuna helo sida quraankaba ilaahay inoogu sheegay,soomaaliduna ay ku maahmaahdo ‘xagla laaban xoolo kuma yimaadaan’ama ‘nin aan shaqaysan shahma cabo’ hadaba anoo waliba dhalinyarada rag iyo dumar ujeedooyinka ugu wayn kaleh ayaan rabaa in aan nolosha aynu kunoolnay usheegi rabaan in ay siday isuqabanayso aan usheego intii fikirkayga iyo garaadkaygu igaadhsiiyo nolosha nustaqbal ee dhalinta maanta waxbrata waxaa isaka jirta in ay ay mudo badan lasoo wadaagaan waayahay waxbarasho markii ay dhamaystaan jaamacad ama dugsiyo sare ay badankooda ku adkaato sidii aynoloshooda u waajihin lahaayeen mid libinleh,laakiin guusha in aad gaadho dhalinta maanta joogta waxaa kahaysta carqalado aanay fahansanayn.anigu markaan nolosha qiimeeyay waxaan ku mataalay tusale yar oo fudud oo u dhigan sidan:

waxaad tahay nin bare ah oo arday waxa udhigay amaba dhalinyaro waxa u sheegaya waxaad sooqaadaa shay baladhan oo madhan kaasi oo waxa lagu guri karo sida foosto oo kale waxaad ku gurtaa ama ka buuxisaa dhaqaxaan yar waawayn ilaa 2 inches diameter meelahaas,iswaydii in ay buuxdo foostadaas,hadii ay jawaabtaadu ku siiso in ay buuxdo,mabuuxdee ogow,hadana sooqaad kartoon jay ama quruurux ah ku shub isla foostadii iyada oo ay dhaqaxaantii ku jiraan ku dulshub dhagaxaantu si ay ubuuriso meelaa ka banaadh dhagaxaanta dhexdeeda,is waydii in ay buuxdo foostadu,hadii ay jawaabtaadu ku siiso in ay buuxdo,waxaad ogaataa in aanay buuxin. Hadana sooqaad kartoon niisa ama burciida kushub dhagaxaanta dhexdooda si ay u buuxiso meelaa banaan ee u dhexeeya dhagaxaanta iyo jayga,waydii naftaada in ay buuxdo hadii ay jawaabtaadu tahay in ay buuxdo ,haa imaka waa ay buuxdaa manajirto meelo daldaloola oo ay galaan wax danbe.

Dhagaxu waxa uu u taaganyay waxyaabaa noloshaada ugu mihiimsan siday,qoys,guri,caafimaad,caruur,hadii waxa yaabaa kale kaa halaabaan waa waxyaabo noloshaada baaqi ku haanaya.

Quruuruxa ama jayga waxa uu utaagan yay shoqo,gadhi iyo wixiilamida.

Niisatuna waxay utaagantay waxyaabaa iska yaryar sida: ciyaar,dhagaysi ama daawasho,iska tamashlayn,balwad ama hurdo.

Hadaba nolosha waxay leeday kala horayn iyo kala danbayn kasooqaad hadii aad niista ama jayga ku horaysiinlahayd maxaa dhicilahaa?waxaa dhici lahayd in aanay dhagaxaanta kuu qaadin ama aad waydo meel ku gurto,

Sidaas darteed noloshu waxay leeday waxyaabo muhiim ah iyo waxyaabo aan muhiim kuu ahayn inaad ku bixiso fikir,dadaal iyo waxkhtiba.sida in aad ku mashquusho ciyaar, balwad,dhagaysi am daawasho waxyaabo wakhti lumida isa meermeer aad faaiido kuusoo wadin,kasheekayn meheradaa shaaha maalin oo dhan,iska hurud oo hakicin,waxaasi iyo kuwakaban waa waxyaabaa noloshaada kaabuurixnaya oo lamida niistii kumana suurto galinayaan in aad heshi arimo waawayn oo ay dadku imaka ku fikiraan sidii ay u gaadhi lahaayeen oo ay kamid yihiin: in ay helaan guriwayn,gabadh iyo gaadhi,shaqo iyo waxyaabo kale,laakiin ma garawsana in ay dhalinyaro badani ku mashquulaan rimahaas oo kale ku waasi oo aan gaadhsiinayn meel sheer wakhti lumis mooyee.hadii aad ciidaa ama niistaa ku horaysiiso dhagaxaantu meel ay gasho mahayso noloshaaduna sidaas ayaa ay lamidtay hadii aad wakhtigaaga ku lumiso in aad ku mashquusho waxyaabo aan faaiido kuu lahayn waligaa maheli doontid meel aad galiso waxyaabaa kuu mihiimka ah.

Hadaba waxaan ku talinlaa in aad muhiimada siiso waxyaabaa kuu muhiimka ah ee aad noloshaada ku gaadhikarto wanaag iyo horumar,waxaanan kaagala talinayaa in aad niista ku horaysiiso foostada ama shayga aad ku shugaysid oo aan uga jeedo hakulumin waxyaalaa yar yar wakhtigaaga iyo dadaalkaaga.

Ha u arkin xumaan

w/q Mubarak farhan farah araye.

Mubarig06@hotmail.com

News Related