Published:

Dhamaan akhristayaasha sharafta leh maanta waxaan jeclaanahay inaad nala wadagtaan qisadan cajiibka ah.

Wiil dadiisu ay ahayd 24 jir ayaa waxa uu Tareen la saarnaa aabihii , Wiilkan waxa uu fadhiyay kursiga xigga xagga ( dhinaca) daaqada.
Marbaa waxaa dhacday isagii oo eegaya daaqadii inuu aabihii kor ugu dhawaaqay oo uu ku yiri sidan :

” Aabo eeg ( fiiri ) geedaha dhammaantood xaga dambe ayay u sii socdaan (gadaal gadaal ayay u sii socdaan) ! ”

Aabihii waxa uu u dhoola cadeeyay wiilkiisii ,

Balse Lammaane da’yar ah oo fadhiyay meel aan sidaa uga fogeen halki ay fadhiyeen wiilki iyo aabihii, ayaa waxa ay soo eegeen ( fiiriyeen) wiilkii 24 jirka ah ee u dhaqmayay sida carruurta oo kale.

Intii ay eegayeen ayuu hadana si kedis ah mar labaad wiilkii ugu dhawaaqay aabihii .

” Aabo fiiri ( eeg) daruuraha cirka anaga ayay nala socdaan ! ”

Lammaanihii da’da yaraa markan way adkaysan waayeen oo waxay wiilkii aabihii ku yiraahdeen

” Maxaad dhakhtar wanaagsan u gayn wayday wiilkan xanuunsan ?? ”.

( oo ay ula jeedeen inuu wiilkan yahay wiil madaxa looga jiro maadaama uu udhaqmaayay sida caruurta oo kale)

Wiilkii aabihii waxa uu u dhoola cadeeyay lammaanihii,da’da yaraa waxa uuna ku yiri sidan

” Waan u geeyay dhakhtar wanaagsan waliba waxaan hada ka nimid isbitaalka, wiilkaygana waxa uu ku dhashay indha’ la’aan , maanta ayayna ahayd markii ugu horraysay ee noolashiisa uu wax arko ‘

Muhiimada Qisada waxa ay tahay

– Waa in aan iska ilaalinaa in aan dadka si fudud ku xukuno anaga oo aan ogaan qisadooda dhabta ah waayo marar badan waxaa la arkaa hadii aad hadalka ku fududaato in aad gafto, kadibna markii aad dib ka ogaato ( gadaal ka ogaato ) in aad khaldantay waa xilli aad qofkiiba dhaawac u gaysatay amaba kalsoonidii uu kuu hayay ay burburtay,
Sidaa awgeed hadalkaagu waa inuu u fiirsasho la’haadaa ,Si’ aad u noqoto qof leh hadal miisaaman oo aan ku xad gudbayn daddka.

Ugu dambayntii Allah ( Ψ³ΩΨ¨Ω’Ψ­ΩŽΨ§Ω†ΩŽΩ‡Ω وَ ΨͺΩŽΨΉΩŽΨ§Ω„ΩŽΩ‰ ) waxaan waydiisanaynaa inuu hadalka noo sugo oo aan noqon kuwa hadii ay hadlaan wanaag ku hadla ,Aamiin.

Intii aan saxay Allah ( Ψ³ΩΨ¨Ω’Ψ­ΩŽΨ§Ω†ΩŽΩ‡Ω وَ ΨͺΩŽΨΉΩŽΨ§Ω„ΩŽΩ‰ ) ayaa i waafajiyaay , Intii aan khaldayse shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

News Related