Published:

 

12042956_960755960637634_169776119668317988_nHargeysa(Haldoornews)-Wararka goor dhawayd ka soo baxay waxaa qasriga madaxtooyada maanta kulan ku yeeshay Hogaanka kulmiye iyo madaxwayne silaanyo iyo ku xigeenadiisa iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada.

markii uu shir hoosaadkaasi soo gabo gaboobay waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo ay hareero taagan yihiin madaxwayne ku xigeenka somaliland iyo ku xigeenada xisbiga kulmiye iyo xubnaha sarsare ee xisbigaasi iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada silaanyo.

waxaana halkaasi warbaahinta kala hadlay gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi kaasi oo warbaahinta u sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 10 novenber oo inagu soo foodleh.

sidoo kale waxaa gudoomiyuhu halkaasi ka sheegay in madaxwayne silaanyo musharax yahay taasi oo meesha ka saaraysa gudoomiyaha iyo musharaxiintii kale ee xisbiga ka dhex sharaxnaa. oo iyadu hore u sheegay in ay sharaxan yihiin madaxwayne silaanyo dabadii.

12039680_960755703970993_7684108146777526625_n

wixii warar ah ee ka soo kordha la soco goor dhaw oo isha ku hay shabakada wararka ee haldoornews.com

Haldoornews.com

Hargeysa office

contact@haldoornews.com.

 

News Related