Published:

Hargeysa (Haldoornews) Wararka naga soo gaadhay magalada london ayaa sheegaya in  Masjidkii Ugu Weynaa Dalka Britain, Ee Ku Yaallay magaalada London Oo Dabqabsaday  Iyo Ciidanka Dab Demiska Oo Ku Hawlan Bakhtiintiisa.

Qiiqa iyo olllolka Masjidkan dabku qabsaday ka soo baxaya ayaa laga soo arkayay masaafo mayls gaadhaysa, waxaanay ciidamada boolisku xidheen dhammaan goobihii u dhawaa dhismaha Masjidka

Dhismaha Masjidkan oo qaadi jiray Toban kun oo

qof, ayaa ahaa Masjidka ugu weyn dalalka ku yaalla galbeedka qaarada Yurub, oo ayaa dhismihiisa la dhameeyay sannadkii 2013-kii, ayaa lagu soo waramayaa in ay dhismihiisa ku baxday lacag lagu qiyaasay £5.5million, oo u dhigganta ($83.5 million).

War ka soo baxay afhayeen u hadlay hay’adda adeega ambalaasyada ee London, ayaa sheegay in nin da’diisu ay meel dhexaad tahay loola cararay cusbitaalka, waxaana deminta dabkan ka kacay masjidkan ku mashquulsan hawlwadeeno badan oo ka tirsan ciidanka dabdemiska, waxaanu dhismaha Masjidkani ku yaallaa wadadda London Road in Morden, ee ku taalla waqooyiga caasimada dalka Britain, ee London.

Haddaba, halkan ka daawo muuqaalkaas oo dhammaystiran:-

News Related