Published:

Wasiirada Maaliyada, Zamzam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali oo ku maransan boobka Hantida Qaranka iyo Madaxweyne Siilaanyo oo la saftey wiilka uu adeerka u yahey, sida u qorey wargeyska Indian Ocean cadadkiisii toddobaadkan soo baxey.

Wargeyska ayaa cadadkiisii toddobaadkan soo baxey ku qorey in Madaxweyne Siilanyo ganafka ku dhuftey Qorshe Wasiiradiisa Maaliyadu, Zamzam Cabdi Aadan ku soo bandhigtey shirkii Golaha Wasiirada ee u dambeeyey. Qorshaha Wasiirada Maaliyadu shirka Golaha Wassirada keentey ayaa ahaa, sida Wargeysku sheegey qandaraas lagu tayeynayo Wasaarada Maaliyada oo lagu magacaabo «Public Financial Management System», aaney ku baxeyso lacag ku dhaw 7 Milyan oo Doolar. Wargeysa oo soo xiganayaa Ilo xog-ogaal ah oo ku sugnaa Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sheegey in Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali Madawxeyne Siilanyo kula taliyey in aanu qorshaha Wasiirka Maaliyada sexeexin maadaama ay haada ku mashquulsan yihiin sidii ay u hirgelin lahaayeen iibka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera tiiyo Wasiir Zamzam iyo Waleelkeed Maxamed Cabdi Adan saamiga ugu weyn ku leeyihiin Shirkada Red Sea Petroleum Co oo ka mid ah Shirkadaha Haamaha Iibsanaaya.

Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali ayaa sidoo kale Madaxweyne Siilanyo u sheegey in Wasiir Zamzam ku hawlan tahey sidii ay qandaraaskan u siin laheyd Shirkada M&B Holding ee walaalkeed Maxamed Cabdi Aadan uga wakiilka yahey Somaliland.

?????????????

Si kastaba au ahaatee, Wargeyska ayaa maqaalkiisa ku soo gabagabeeyey in Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirada beeshiisu fiiro gaar ah ku eegayaan Hawlaha Wasiirada Maalilyada oo ay filanayeen in ay waxey doonaan marsan karayeen maadamaa ay Saaxiib dhaw la tahey marwada Madaxweyne, Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde.

Link-ga Hoose ka Akhri Warbixintan Xasaasiga ah ee Wargeysku Daabacay

http://www.africaintelligence.fr/LOI/politique-pouvoirs/2015/09/25/silanyo-rejette-les-decisions-de-sa-ministre-des-finances%2c108093249-ART

News Related