Published:

Berbera(Haldoornews)-Warar rasmi ah oo ay heshay shabakada qarannews, ayaa xaqiijinaya in madaarka magaalada Berbera laga xaraashay ama wareejiyay sharkad aan caalmka laga aqoonin oo ay leedahay gabadh Maraykan ah oo la yidhaahdo Michele Lynn Golden-Ballairn gabadhan ayaa Koonfurta Somaliya caan ka ah waxana xagaasi looga yaqaanaa Amiira waxana ay aad u soo shaac baxday xiligii budhcad badeedka laga waashay.

Qorshanai oo aan la soo marin golaha wakiilada iyo shuruucda dalka u taala waxa tahriibinaaya xubno ka mid ah qoyska madaxweyne Siilaanyo oo uu weheliyo wasiirka macdanta iyo tamarta iyo xubno kale oo ku dhow dhow madaxtooyada.

Ilaa hada may soo bixin qiimaha lagu kireeyay madaarka magaalada Berbera oo ah madaarka ugu dhabada dheer caalmka, isla markaasina ku yaala bogacd mihiim ah, waxna xiligii Siyaad Bare uu sanadkii kaga kiraysnaa dawlada Maraykanka 40 milyan oo doolar, mana jiraan waxa ay gabadhani ku falayso madaarka, waxna bilihii ugu danbeeyay soo baxaayay dawlado ka mid ah kuwa ugu qada weyn caalmka oo danynaaya madaarka magaalada Berbera iyo sidoo kale isticmaalka dekada iyo guud ahaan xeebaha dalka.

Sida ay shabakda Qarannews.com u xaqiijiyeen madaxax sar sare oo ka tirsan wasaarada duulista iyo hawada ayaa sheegay in heshiiskaasi uu shalay saxeexay wasiirka duulista iyo hawada mudane Maxamuud Xaashi oo xaga wasaaradooda uu qorshahaasi ka dhamaaday.

Waxa ay arintani timid xili haamaha shiidaalka e nagalada Berbera ay xukumaddu damacsantahay in ay ku wareejiso ganacsatada dalka, arintaasi oo ay laaleen isla markaasina ay is hortaageen golaha wakiiladu, arintaasi oo keentay muran xoogan oo ka dhex abuurmay golaha wakiilada iyo xukumadda, iyada oo arintaasi diidamada ee haamaha ay xukumaddu ka duulayso ayay arinta maadaarka tahriibisay.

Dalka ayaa waxa ka socda xaraash balaadhan tan iyo intii Siilaanyo xilka qabtayna waxa uu iibiyay 1200 oo aqal oo dawladu leedahay oo ay ka xishoodeen madaxweynayaashii ka horeeyay taasi oo aad moodo in aan Siilaanyo dalka u dhalan inkasta oo dadka qaarkii ay sheegayaan in aan isga gacanta waxba ugu jirin ee kursigiisa dalka lagu xaraashaaoyo oo loo dhaqaaqay boob iyo xaraash aan geedna loogu soo dhuuman

Haldoornews.com

Xigasho qarannews.com

News Related