Published:

Xukuumadda madaxweynaha Somaliland ee mudadii la doortay  dhamaatay Ahmed Siilaanyo ayaa lacagtii ugu badneyd ee dhaameel ahaan ka baxda intii ay talada dalka haysaay todobaadkan ku bixisay mooshin ay ku doonayso in Golaha Wakiiladu soo saaaraan kaasoo xukuumadda u ogolaanaya inay iibin karto ama kareyn karto hantida maguurtada ah ee dawladda.

Lacgtan oo loo kala dhiibay sadexda xildhibaan ee kala ah Cali Mareexaan,Waabeeye iyo Bukhaari ayaa waxay xukuumaddu ugu talogashay inay ku iibsato taageerada xidhibaanada wakiilada ee ka mid ahaa kuwii taageeray mooshiinkii ay 2 todobaad ka hor ku laaleen qorshe uu Mr Siilaanyo ku doonayey inuu Haamaha Keydka Shidaalka ku wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay,waxana la filaya in mooshinka cusub ee xukuumaddu wadato la soo dhigo kulanka wakiilada ee barito qabsoomi doona.

Source. Ogaal

News Related