Published:

 

Oct 24 20125 Hargeysa (GNO) – Akhristayaal Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa liis ay ku dhan yihiin Magacyada Wasiirada Xukuumadda Siilaanyo ee hadda xilalka haya,iyo sida ay ukala taabacsan yihiin Garabyada ku loolamaya musharaxnimada Madaweynaha Xisbiga Kulmiye ee siilaanyo dabadii,oo loo qoondeeyay inay qabsoonto bishan inagu soo fooleh 10-keeda.

Waxa aanu ukala qaadnay labada garab ee Xisbiga Kulmiye ukala jabay. Dhinaca Muuse Biixi Hogaminayo ee talo maroorsiga wada iyo isbahaysiga ka soo horjeeda ee ay ku dhan yihiin Aqlabiyada Musharaxiinta Kulmiye oo iyagu doonaya in si cadaalad ah loo maamulo qabashada Shirweynaha Golaha dhexe ee Kulmiye oo lagu dooranayo musharaxa Xisbiga Kulmiye uga qayb galaya tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee 2017-ka dalka ka dhacaysa.

Wasiirada Samaale,Maxamed Biixi Iyo Kijaandhe Taageersan.
1. Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland.. Md. Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland. Md.Cumar Sheekh Maxamed
3. Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland. Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
4. . Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland. Md.Xirsi Cali X.Xasan.
5. . Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliland. Md. Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)
6. Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arrimaha garsoorka. Md.Xuseen Axmed Caydiid.
7. Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.. Dr.Cabdi aw-Daahir
8. Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland. Md.Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse).
9. Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.. Marwo.Shukri X.Ismaaciil Baandare.
10. Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland.. Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
11. Wasiirka wasaarada dib-u-dejinta Somaliland. Md.Cali Siciid Raygal.
12. . Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland. Md.Maxamed Jaamac Abgaal.
13. Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland. Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye.
14. Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland. Md. Baashe Cali Jaamac

Wasiirada Muuse Biixi Taageersan
1- Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland.. Marwo. Samsam Cabdi Aadan.

2- Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland. Md.Cali Jaamac Faarax Buureed.
3- Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland. Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.
4- . Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland.. Md. Maxamed aw-Daahir Ibraahin
5- Wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland. Dr.Muuse Qaasim Cumar.
6- Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland. Md. Shucayb Maxamed Muuse
7- . Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland. Dr.Sacad Cali Shire.
8- Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland.. Md.Xuseen Cabdi Ducaale.
9- Wasiirka wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland.. Md. Axmed Cabdi Kaahin
10- . Wasiirka wasaarada xidhiidhka goleyaasha Somaliland. Md.Cali Xaamud Jibriil.
Wasiirada Aan Wali La Ogaan Halka Ay Taageeradoodu U Janjeedho
11. Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md. Cali Maxamed Waran-cadde…….
12. Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland. Md.Axmed X.Cali Cadda.

 

News Related