Published:

Berlin (Haldoornews)-Hogaamiyaha dawlada federaalka ah ee Jarmalka Angela Markel oo hadal ka jeedisay gebogabadii kullano wada-hadal ah oo u socday 16-ka gobol ee uu dalkeedu ka kooban yahay oo ku dhamaaday is af-garad, ayaa sheegtay in dawladeedu diyaarisay dhaqaale ay siin doonto 16 kaasi gobol, si ay ugula tacaalaan arimaha dadka qaxoontiga ah.

Sidoo kale, Angela Markel waxay si gaar ah carabka ugu dhufatay xadiga lacageed ee ay u qoondeeyeen in ay siiyaan qof kasta oo magan-galyo-doon ah. Waxaanay tidhi “Dawlada federaalku waxay u diyaar tahay in qofka magan- galyo-doonka ah la siiyo 670€ (lix boqol iyo todobaatan Euro) bishiiba, taasi oo ka bilaabmaysa maalinta ugu horeysa ee la diiwaan-geliyo” Tirada dadka muhaajiriinta ah ee la filayo in ay soo gaadhaan wadanka Jarmalka ka hor dhamaadka sanadkan, ayaa la filayaa inay gaadhayaan ilaa 8 boqol oo kun oo qof. Dhinaca kale, hawlaha la xidhiidha codsiyada ama dacwadaha dadka magan-galyo-doonka ah, ayaa la fillayaa in go’aan lagaga gaadho mudo shan bilood gudaheed ah. Tani waxay wax ka tari kartaa culeyska iyo go’aanada dacwadaha mudada dheer qaata ee soo waajaha dadka dalbada in la siiyo magan-galyo. Dawlada jarmalku waxay sanadkan oo kaliya u qoondaysay qaxoontiga soo galaya wadankeeda in lagu kharash gareeyo lacag dhan 2 bilyan oo Euro, taasi oo laba jeer ka badan dhaqaalihii hore loogu talo galay in lagu taakuleeyo qaxoontiga.

Riix link-ga Hoose si u Daawato Muuqaalka Hadalka Angela Merkel oo Arimahaasi ka hadlaysa.

http://www.dw.com/en/germany-pledges-funds-for-asylum-seekers/av-18740745

Mohamed Badde

Haldoornews.com

Berlin/Office

contact@haldoornews.com 

News Related