Published:

hanashada murashaxnimada madaxweyne-xigeenka Kulmiye ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ku soo biiray Cabdiraxmaan Aw Cali waanu kaga guulaystay. Saddexdii murashax ee laga guulaystay waxay hoggaankii xisbiga ku eedeeyeen in codadkii iyo ergaydii shirka labadaba la musuqmaasuqay.

Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco lagu qabtay 2008-dii ee murashaxnimada loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici waxa ka dhacay khilaaf aad u ba’an kaas oo keenay in Guddoomiye-Xigeenkii koowaad ee wakhtigaas Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayihii Guud AHN Kayse Xasan Cige ay shirka ka baaqdaan ilaa intii xal laga gaadhayey arrimo ay saluugsanaayeen, taas oo ugu dambayntii lagu dhammeeyey in Muuse Biixi xilka guddoomiyenimo ee xisbiga la wareego Siilaanyo dabadii. Khilaafkaas waxa Kulmiye kaga hulleelay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo taageerayaashiisii kadib markii Cabdiraxmaan-Saylici loo cumaamaday murashaxa madaxweyne-xigeenka.

Dhacdo kale oo shirarka Golaha Dhexe ee Kulmiye lagu xasuusto waxay ka dhacday Shirkii Golaha Dhexee ee ugu dambeeyey, kaas oo guddoomiye-xigeenkii koowaad ee wakhtigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir xilka lagaga qaaday kadibna inta garbo-duub loo qabtay albaabka xoog lagaga saaray. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa dhacdadaas ka soo gaadhay dhaawac keenay in dibedda loola cararo, waxana cambaareeyey dadweyne badan oo ka soo kala jeeda gobollada dalka…http://bandhige.com/faallo-kulmiye-intee-ayuu-ku-sii-tamarin-karaa-xalkii-shalay-la-gaadhay/

 

News Related