Published:

Saylac(GNO) Ciidanka illaalada Xeebaha Jabuuti ayaa shalay sii daayey shan Doonyood oo ku sii jeeday Yaman oo u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah, kuwaasoo ay ku Eedeeyeen inay ku soo xad-gudbeen Biyaha Jabuuti.
Doonyahan oo ku xidhnaa Dalka Jabuuti muddo ka badan laba toddobaad, wakhtigaas oo ay wadahadalo la xidhiidha sidii loo sii dayn lahaa ay uga socdeen xuduudka labada Dal madaxda labada dhinac, kuwaas oo isla qaatay ugu danbayntii in Ooda laga qaado.
Badhasaabka Gobolka Selal iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa tagay goobta ay Doonyuhu ku xidhan yihiin, sidaa waxa sheegay wariyaha Gobolkaasi ku sugan oo sheegay inay arrintaasi iska kaashadeen madaxda labada Dal.

News Related