Published:

Inline images 1

Hadaba   Waxaan  taas  odayaasha ka odhan lahaa axmed siilaanyo ma aha nin baqda,Taariikhna  uma laha,waa geesi    ka tilmaaman geyiga soomalida,wuxuu ahaa   ninkii u gurmaday ee aan ka gabban, wakhtigii dadkiisu ninka geesiga ah u   baahday,waxaana igaga filan oo aan kusoo ururinayaa jawaabta Hadalkii kasoo yeedhay samaale Iyo   xussen axmed caydiid  inaan ka  idhaahdo,

-Miyaad dafirsan tihiin Mujaahid LIXLE allah ha u naxariistee inuu GEESI ahaa?jawaabtu
waa maya ayaan filayaa.

-miyaad diidan tahay maxamed-cali inuu geesi u shahiiday dalkiisa ahaa?

Aadan shine inuu geesi ahaa?
Ina koosaar geesi ahaa?

 dayib guray geesi ahaa?

Ina koodbuur geesi ahaa?

 quulle aadan dool geesi ahaa?

Dhega weyne geesi ahaa?
Craxmaan aw cali geesi ahaa?
Aadan saleebaan geesi ahaa?
Carab ducaale geesi ahaa?
Gaariye ahaa?

Hadraawi ahaa?
Xasan ciise geesi ahaa?

 claahi askar geesi ahaa?

 ibraahim maygaag geesi ahaa?

Haybe laanbad geesi ahaa?
Harag waafi geesi ahaa?
Claahi askar geesi ahaa?

Kuwa imika aad kasoo horjeedaan geesiyaal ahaayeen?

Inta dhimatay iyo inta nool Kulligood  raggaas aan sheegay iyo tiro badan oo aanan halkan ku xusin  waxaan filayaa inay taariikhda baal dahab ah kaga qoran yihiin ,inay GEESIYAAL AHAAYEENNA  IDINKA IYO UMMADA SOMALILAND-BA WAA MID AY WADA QIRAYAAN.

Kolka ay sidaasi tahay  tolow xuseen iyo samaale,xaggee bay ka waalan yihiin,marka ay axmed siilaanyo ku sheegayaan nin SHAANI  la tuur tuuraa cabsi gelisay, Miyaanay ogeyn in dhammaanba raggaasi geesiyaasha ahaa ee aan soo taxay,cidda BOSS kooda ahayd,leader-kooga ahayd,odaygooda ahayd,chairman-kooga ahayd,halyeygooda ahayd,iyo HERO-ga ay ku dhaataanba uu Axmed Siilaanyo ahaa. Oh my God …Xageebaad  ku aragteen  geesi Nin fulay ah  ka dab qaata, Raggu geesi ma noqdo  haddaanu haysan
geesi uu ku tiirsado oo majaraha u qabta,

 ficilba intaan la gaadhin,miyaanu axmed siilaanyo ahayn, ninkii ay weedhiisu innoo ahaan jirtay
Shamac Nuurka Halganka sii siyaadisa,.halka ay geesta kalena

halgaadda  ama tumaatida  ku ahayd cadwga….Oh my God……

NIN SHAANI LA TUURO IYO *shiilke holcaya* KA BAQDA MA AHA.

Xummadda Kursigu Xiska Iyo garashada qofka inay qaadato maaha.

midna ogaada:ninka axmed siilaanyo xumaan iyo ceeb doona inuu marmariyo,wuxuu ka dhigan yahay nin taariikhda umadda wasakhaynaya.

XAASHA’E NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB.

Waxaanan kusoo koobi lahaa,haba loo wada joogee bal gantaalaha rabadhka ah ee qaaradaha u kala gudba saaxiibayaaloow  keena. 

pro.Faysal Gaas….hargeysa

News Related