Published:

Kala Qaybsanaanta labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ayaa saamayn Togan ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Rugta Ganacsi ee Deg. Togwajale, Arintan oo 24saac ee ugu dambeeyey ka Dhex abuurtay Bulshada Dareen cabsiyeey,

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Taasi oo abuurtay shaki aad u weyn oo hoos u dhac weyn ku keentay  Dhaqdhaqaaqa Ganacsi, 
Degmada Togwajale oo aad looga taageero Musharixiinta isbahaysiga ay ku Midoobeen Maxamed Biixi Yoonis. Samaale iyo kijaandhe.Waxana sobobay in ay taageerada ugu badan ku yeeshaan Degmadan Saddex Arimood
1 odayada, culimada, iyo Guddiyada kala Duwan ee Degmada oo aan laga talo galin Maamulka Cusub ee Degmada oo Uu Wasiirka Ganacsigu kaligii iska maamushay taasina ay ka Cadhaysiisay Bulshada Degmada
2 Maamulka Cusub ee Degmada oo Darajadii Degmadan  Hoos u dhigay kuna Celiyey Darajada D taasina ay keentay in aanay Maamulka Degmada iyo Bulshada wax wada Shaqayn  ahi ka dhaxaynin ,maamulka Degmaduna aanu Xalin karin Dhibaatooyinka yaryar ee dhinaca Maamulka la xidhiidha, Wax kasta oo la soo Gudboonaadana halbeega lagu xaliyaa wuxu noqday Badhasaabka Gobolka ayaan u gudbinaynaa Xataa haddii laba Carruur ahi ay is laayaan Taasina waxa ay keentay in bulshadu kalsoonidii Xukuumadda ay ku Qabtay ay meesha ka baxdo
3 Wasiiradda Maaliyadda Marwo Zamzam cabdi Aden oo ahayd Wasiirka kaliya ee wakhti xaadirkan laga taageersanyahay  Guud ahaan Gobolka Gabilay Gaar ahaana Degmada Togwajaale taasi oo Baryahan Dambe la Garan laayahay Dhinaca ay Ciida u tuurayso waayo Intii hore Garabada Xisbiga Kulmiye ku looltamaya midnaba si toosa ugamay dhex muuqan Balse intii Ay Maamulaha Cusub u soo Magacowday Deg togwajaale Mr Cawke oo intii uu wajaale yimid loo doortay Guddoomiyaha Dhinaca Dhaqaale Ururinta ee Garabka Isbahaysiga musharixiinta uu ka midka yahay Samaale , ayuu bilaabay Maamuluhu in uu Ganacsatada u Sameeyo laba tacriifadood oo kala duwan taasi oo Cidda Muj Muuse biixi taageersan Cashuur Culus laga Qaado, cidda isbahaysiga Taageersana Hoos looga Dhigo,
Arintan oo bulshadu Akhriyi kari weyday Wasiir ZamZam qudheedu Dhinaca ay taageersantahay Maadaama Shaqaalaheedii ay ku milmeen Kala Qaybsanaanta Garabada ku looltamaya Xisbiga Kulmiye isku soo wada Xooriyoo Khilaafka Iyo kala Qaybsanaanta Xisbiga ayaa Saamayn culus ku yeeshay Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Dalka
Wabillaahi Towfiiq
By Mustafa Sh Abibeker 
Tell 0634466752

News Related