Published:

musew

Waxaan dhagaystay Qudbadii uu Maxamed Kahin ka jeediyay Xafladii lagu qabtay Huteelka Ambasader oo  lagu tageerayay musharaxnimada Madaxwayne ee Muuse Biixi. Qudbadani waxa ay ka turjimaysa fikirkii Kooxihii KORNAYLADII SNM-ta ahaa ee u haystay in ay dalka iyagu leeyihiin oo FAQASHTA KA XORAYASTEEN.  Kooxdani waa kuwii uu dalku ka dagi la’aa labadii sano ee uu horeeyay, waa kuwii isku dul haystay maatida Xeryaha Qaxootiga ka soo noqday 1991 kii. Labadan askari waa laba nin oo isku afkaara, oo ku midaysan sidii ay dalka u xukumi lahaayeen. Maxamed Kahin iyo Saxiibkii waa niman warba u haynin wakhtiga la joogo, iyo waxa aduunka ka socda. Cidi tageersana waa cid dan shakhsi wadata oon danaynayni Somaliland iyo shacabka ku nool.

Maalinta hogaanka Xusbiga Kulmiye loo doortan labadani ASKARI, waxaa hog dheer lagu riday rabitaanka dadka Somaliland ku doonayeen in ay Ictiraaf Calamiya helaan oo dalalka Calamka ka mid noqdaan.  Mudad 24 Sano waxaa uu noqonaya wakhtid lumay. Maalinta cadawga Somaliland waxa ay u tahay guul.

Hadaba,  hadalada Maxamed Kahin waxaa ka mid ahaa; Jabhada SNMta ee dalka xoraysay wax ay ahayd in ayna xukunka dalka ayna sii daynin ee ay sii hayaan oo uu jiro ‘continuation’ Xukuumada SNM ta. Loomana bahna in kolba nin KARAANI ah maamulka dalka loo dhiibo. Tusaale ahaan waxaa uu u soo qatay labada dal ee Eretria iyo Ethiopia.

Hadalkani waxuu gaf ku yahay jiritaanka Somaliland iyo waxii ay Somaliland qabsatay 24ka sano. Waxaan xusuusinaya labadani askari in ay SNM ahayd jabhada ay ku midaysnayeen dadkii dagalka kaga soo horjeeday Maamulkii kali taliska ahaa ee FAQASHTA. Dadka Somaliland ee tageersan halgankaasi, waxay ahaayeen in qoriga qatay, iyo in dhaqalaha ciidamada ku dagalamayeen bixinayay. Halgankana waxaa ku dhintay dadbadan oo shicib ah. Mujaahidiin badana way ku shahiideen, kuwa badana oo ku naafoobayna dalka way ka buuxan, sida Maxamed Kahin iyo Saxibkiina dalka kama sheeganayaan dadka.

Haddaba, haddii aan xususiyo labadani askari ujeeda Jabhadii SNM waxaa ahayd “ IN AY DALKA KA XORAYSO MAAMULKII KALA TALISKA AHAA EE FAQASHTA AHAA, MAAMULKA DALKANA SHICIBKU KA TASHADAN . LAKIIN, MARNABA MAY AHAYN IN SNM-TA (AMA ASKARTU) DALKA KA XORAYSTEEN SIYADA BARE.” Hadafka labada Jabhadoo ee Maxamed ka hadlayo ee Eretria iyo Ethiopia waxaa uu ahaa in ay iyagu dalka xoraystan oo maamulaan.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kahin waxay doonayaan in 24 sano ay dalka dib u celiyan.  Markii talada Askartani  laga wareejiyay  waxa ahayd markii Golaha Guurtida ee ka koobna Odayaal Beelaha Somaliland oo dhan ka soo jeeda.  Marka ayaa Muuse iyo Kooxdisa doonayay in ay dalka khal khaliyan laga badbaadiyay. Golaha Guurtidu waxaa uu yagleelay dal ay ku midoobeen Beelaha Somaliland kuwoodii tageersana SNM iyo kuwa ka soo horjeeday. Maanta mar labaad ayay ASKARTANI duulaan ku yihiin wada jirka Somaliland.

Haddaba, haddii dalalka uu Maxamed Kahin tusale u soo qato aan kala qado. Dalka Eretria waxaa xoriyadiisa u dagaalamayay mudo ka badan sodan sano.  1993 kiina waxay xoriyadeeda ka qateen dalka Ethiopia.  Aftidii laga qaday 99.83% waxay u codeeyeen in ay dal madax banan noqdaan. Haddaba, Jabhadii EPLF ee dalka xoraysay, sida SNM maamulka kuma ayna celin dadka, lakiin iyaga ayaa isku duubay. Manta Eretria waa dalalka ugu hooseeya Calamka dhankastaba. Iyada oo dal Aqoonsi haysta ah ayaa waxaa dhalintoodi ku madheen Saxaaraha Afrika iyo Badaha Calamka. Haddii labadni Askari ku guulaystan talada dalkana Somaliland waxay la mid noqon doonta Eretria.

Dalka Ethiopia waa dal ay qarniyo badan ay ka talinaysay Boqortooyo. Boqortooyadu iyada dadka iyo dalkaba iska lahayd,  dadkuna way u hogansanayeen Boqortooyada, oo raciyada ayay u ahaayeen. Hadaba, 1974 kii ayuu Mingista Xayle Maryam inqilaabay Xayle Salaase oo ahaa boqorkii ugu danbeey Boqortooyada Ethiopia. Sidii Maxamed Siyada Bare ayuu Mingista xasuuqay dadkiisa. Haddaba, jabhada TPLF (Tigrayan People’s Liberation Front), waxaa ahayd jabahad ay asaaseen qomiyad Tigraya oo ah qomiyada ka mida qomiyadaha badan ee Ethiopia ku wada nool. Inkasta oo isbahaysi la sameeyan qomiyadaha kale, hadana Jabhadani  iyada ayaa qabsatay Ethiopia, waxaanay tageero siyaasadeed iyo dhaqalaba ka heleen dalalka Reer Galbeedka, oo ka badbaadiyay Ethiopia in ay noqoto Somalia oo kale.

Marka, la eego hab dhismeedka dalka, iyo tarikhda Ethiopia waxaa jabhada TPLF u suurta gashay in xoog ku haysato dalka. Haddaba, marka la eego tariikhda dadka iyo dalka Somaliland marnaba kama ay suura galsheen in xoog la isku muquuniyo. Teeda kalana, ma ay jirin dawlado awood leh oo jabhadii SNM cawinaysa si ay dalka u hanato. Sida daraadeed, Jabhada SNM markii ay jabisay ciidankii Faqashta, waxaa ay go’aansatay in awooda dalka lagu wareejisay Golaha Guurtida iyo shicibka Somaliland. Haddii, Jabhada SNM ayna go’aanka ay qadatay fulin lahayn, Somaliland waxaa ay la mid noqon lahayd Somalia.

SNM waxaa tageero ka haystay Beelaha dhexe ee Somaliland, sida daradeed go’aanka ay qaateen Golaha Guurtida waxaa uu soo dadajiyay in Somaliland noqoto dal la wada leeyahay, oo Beelaha SNM tageersana iyo kuwa ka soo jeeday ay waxii hore u dhacay iska ilooban.

Haddaba, marka uu Maxamed Kahin leeyahay qalad ayay ahayd go’aankasi ay SNM-tu qadatay, maxuu u jeeda?

Labada Jabhadood, ee Eretria iyo Ethiopia dumuqradiyadi dhexdooda kama ay jirin, labadii hogaamiye  ee marka dalka qabsadeen hogaaminayay ayaa soo dhisay  dawladii dalka xukumaysay. Jabhadihii EPLF ee Eretria waxaa hogaaminayay Isaias Afwerki maalintii uu dalka qabsaday ilaa iyo iminkana isaga ayaa Madaxwayne dalka ka ah. Jabhada TPLF ee Ethiopia, Meles Zenawi ayaa Raysal wasaare dalka ka ahaa ilaa iyo maalintu geeriyooday.  Marka haddii Maxamed Kahin iyo Saxibkii ay aamin san yihiin in Jabhadii SNM xukunka dalka sii hayso maxay ula dagaalamayeen  Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) (IHUN), eey u tageeri wayeen?

Haddii Golaha Guurtida iyo Maxamed Cigal (IHUN) ayna inaga qaban lahayn Muuse iyo Kooxdisa manta Somaliland nabadi kama ay jirteen. Hadaladaasi Maxamed Kahina waxaa hordhac u yihiin waxaa ay dalka la maagan yihiin.  Waxa ay doonayaaa in awood ciidan ku maamulaan dalka, cid alaala cida ka soo horjeedsata dagaal ku qadan. Sida daradeed, Dimuqradiyada, Dastuurkana iyo Xoriyatul qawlka maalintasi ayaa ugu danbaysa.

Muuse iyo Kooxdiisu  waxay ka soo horjeedan heshiiskii ay Beelaha Somaliland ku heshiiyeen eey ku dhistaan Jamuuhriyda Somaliland. Sida daradeed, waxaa ay doonaya in dib loogu noqdo 1991, oo awood military lagu muquuniyo cid alala cida aan SNM tageersanayn, ama cid alaala iyo cida ka soo horjeeday Maxamed Kahin iyo Saxibkii.

Haddaba, xubnaha Golaha Dhexe ee Xusbiga Kulmiye ee tageersan Muuse iyo Maxamed kahin waa in ay ka  fiirsadan cida ay u codaynayaan, waayo Somaliland uma bahna in ay dib u noqoto 24 Sano.

Xubnaha Golaha dhexe ee Xusbiga Kulmiye waa in ay ogaadan haddii Muuse iyo Maxamed Kahin ay ku tageerayaan waxaa ahaayeen  Kornayladii SNM-ta ee Faqashta jabiyay.  Marka waa in ay ogaadan in Beelaha bariga Somaliland ee Darawiishtii tageersanaana ay xaq u leeyihiin in ay tageeran  Jabhada Cali Khalif  ee KHAATUMO ee maanta cidlada tagan. Teeda kalana, Beelaha Awdal waxaa ay tageeri doona jabhada Suldaanka Waber ee labada qof ka kooban. Beelahani intii Somaliland tageersanaydna  maalintasi aad Muuse iyo Maxamed Kahin dooratan ayay ka noqon doonan qadiyada Somaliland, ooy si toosa u tageerayaan Dawlada Federalka ee Muqdisho.

Taasina waxaa guul daro u tahay dadka Somaliland  ee mudada 24 sano raadinayay in mar uun dal Ictiraaf Calamiya hela noqdan. Dagaal Sokeeyo waxaa uu noqonaya mid dalka ka bilaabma.

Marka, xubnaha Golaha Dhexe ee Xusbiga Kulmiye waan u-digayaa, waxaanan leeyahay  ka fiirsadan cida aydun codkiin siinaysaan. Codkiinu yaanu Somaliland u horseedin BURBUR, Somaliland ummada baahna hogaamiye u kala qayb qaybiya Beelo ee waxaa u bahan tahay hogaamiye MIDEEYA. HOGAAMIYE BEELAHA DHEXE, KUWA BARI IYO GALBEEDKA HOGAAMIN KARA OO MADAXWAYNE U NOQON KARA.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!

Omar Yousuf

Oakland, California

News Related