Published:

calan
Anigoo la yaaban ama la walbahaara dhacdadii maraakiibtii dad Somaali siddey kolkii uu abuurmay dagaalka sukeyye ee dalka Yemen. Waqtigaa oo dadkaas loo diday inay soo galaan dalkoodda hooyo ay u haysteen dhulkoodda oo u soo gaadhay barakacay iyo hayaamitaan . Anigoo layaaban dhacdadii Baarlaamaka ee gacan ka hadalka iskula tegen lama mas’uul kana mudna dadka somaaliyeed ku dayashu taa ka wanaagsan. Wax iga sii yaabiyey In waqtigan la joogoo fanaanin Somaaliyeed loo taxaabay xabsiga loogana dhigaayo denbi in ay gadhay Muqdisho oo ka mid ah dalkoodda hooyo. Balse waxaa wada ogsoonahay inay yihiin fanaaniintu kuwa Somaali ah kana sii ah Somalilend.Waxaad ogaadtaan inuu yahay fanaanku mid dal lahayn loogu tilmaamo wadani waddama leh.Marka waxa is weediin leh oo ay tahay su’aalaha madaxaagga ka yaabiya oo haddi ma soomaaliddii ayaa isku haysta midba mid kalay in jariimad laga kalay? Bal ii sheeg akhristo haddi aan tego dalka Itoopiya oo aan ahay ruux reer Somaalilend xabsigga miyaa la ii taxaabi miso waxaan tegey wadan cilaaqaad naga dhexeeyo.
Haddi ay ummadda waqawyi tegana dalkii Somaaliyeed taasina wax tahay danbi laguu xantabeeyo oo maxkamad lagu horgeeyo.Waxaan u hanweena Somaalinimadda oo kaga dhaw wadamadda jaarka sidda in toodda kaley. Soomaalidda waxay wadaagtaa oo marnaana lagu kalategeen astaanta ereygga somaali. Waxay tahay wax yaalaha mideyya ummadda Somaaliyeed dhawr arimood oo ha sumadda kaar ah iyo astaan lagama weecdaan ah soo jirana ah. Wuxuu yahay wax midayya Somaalidda oo kuwan soo socda ah loona baahan yahay in la ogolaaddo sumadda geliya eed leedahay waa somaaliyeed uu Eebe sidda gaarka ah noogu doortay kuguna deeqay loo baahan yahay in lagu tarki falo oo xad gudub agua abuurmo oo ku danbeeno mid dulnimo dhaxle sii garta. Wax kuu sumad ah Somaaliyoo AFKAAGA HOOYO, DIITAADA ISLMAAKA, DHULKAAGA, MAGACAAGA SOMAALIYEED IYO DHAQANKA DHAXAL KALKA AH.
Waxaa ku astaan ah Somaaliyo gogo shaadda gaarka ah, gaaridaadda guurka ah, iyo geesi nimadda kuu dheer ee lagugu yaqaano weligaa iyo soo jiritaann kaaga. Markaa somaalidda waqawyi laga soo bilaamo dalka Jabuuti ma waxay u fahmeen ina ka maarmeen Somaalinimadda hodanka ah ee ALLE u hibeeyey. Waxa kalay oo isweedin leh Siraayo iyo xukumaddiso miyey ku da’doodu u waramin oo ay waa celin waayo aragdda kaga filaan qiimaha ay leedahay Somaali nimaddu. Sumadda Soomaliddu wadaagto waxa kalay oo u hordhac ah sugganta surginta ah oo sina aad uga baxayn.
Haddi siyaasadda Somali nimaddu ku damqi weeddo kuna fadhiisin weedo kuma fadhiisin karo siyaasad qarbigu kuu soo dhiibo oo soo meelegay meel dheer waxka laaga fulshaanaayo Wax kaaga filaa in laga keeno fursad soomaali ka danbeeyo oo aad ku faantid. Fidhin uu nin kali ley yahay xaraggu ficil ha qaadan waxaayeelay ma aha waxaa leedahay. Somaaliddii hore waxay ku diidaneyd dawladdii dhexe ee burburtay digtaatooriyad qoto dheer se laakiin somaalidiid mardhaw iyo madheer mahayn. Balse waqtigan aan joogno Somaali diid ayaa jira oo diidan jinsin ka mid ah waa wax weli dhecin oo waqtigani na soo gaadh siiyey. Waxaa nagu filan midawga reer Yurub, Amerika, iyo wadama kalay oo ka midaysan aragtida siyaasadeed iyagoo aan isku af ahayn, iskuna dhaqan ahayn wada tashi galay is ay xoojiyaan wax wada qabsigga oo ku saabsan danaha ay wadaagaan. Hadaba haddi uu isticmaarkii kala qaybiyey ummadda Somaaliyeed inay midawdo baan oo ay wax wada qabsatoo kama dhigna wadda tashigga .
Midda iyadda ma noqon kartaa hadafka horoomarka ay ku haboon yahay loona baahan tahay Somaaliddu. Kala taga Somaalidda iyaa ka faa iidaysan kara? waxaa ka faa iidaysan kara una dhiiran in ay kol gacanta ku dhigaan oo ay handiyaan is uga faa’iidaystaan kala daad sanaan Somaalidda. Waxay tahay taasi heshiis yaddi lagaadhay oo ay gaadhay wadaniddi guumeesiga horseedka ka haa. Dalka Jabuuti waxaa ognahay in gacanta looga geshay Itoopiya ka dhigatay koob Gobolka ka tirsan gobolkadda dalka Itoopiya oo iyaddu maalgashato siday doontana ka yeesha. Somalilend qudheeddu waxaa muddo dhaw lagu tali jiraa siddii khairaad keedda looga qadi lahaa.
Haddi aan aaminsa nahay magacdda gawaadhidda ragga horee aastaan ka dhigtay oo ka jira dhulka guumeestaha siddee ayey u jeclaatey Somaaliddu . Ila fiiro walaal akhristoo ma waxaan ku badalna hastaanta Somaali nimadda Jubalind, Somaalilend, Awdalind,Zeilaclind,Putlind,Khaatulind, Jubuutilind. KimaayoItaliya MusdishaItaliya iyo boqortoyolind Is weedii maxaa nadaba wadda lind oo noo jirtaa 10000 km. Is weedi akhristoo maxaa noo diiday magaca Somaaliga in aa kor uqaadno oo aa ku dhaadano ileen waa dhaxaleeney. Wax aad u laab kalay oo naga yaabiyey xadhiga dhalinta fanka ee Somaaliyeed ee loo taxabay xadhig lagana gud dhigay danbi loo aanay naayo in ay tegen Magaladda Mudisho.Hadaba ilana eeg ilana fiiri dhac daddaas in loo haystoo fanaaniin Somaaliyeed somaali kalay ayan ku marti geliyey.
Dhegahaagga Dhawr
Dhaayahaagga dhawr
Dhulkaaga dhawr
Dhibiradadda Dhawr
Dhinacaagga Dhawr
Dhaxalkaaga Dhawr
Dhaqankaagga Dhawr
Dhimashaadaadda Dhawr
Dhalinyaradda Dhawr
Dharaskaagga Dhawr
Somaalinimadda Dhawr
Dhurwaagaagga Garo
Dhibkaagana Ogoow.
Midinimadda Somaaliyeed Meel walood joogtid ku dheggano hanadhigin.
Aaden Yaxye Waberi

News Related