Published:

Berbera(GNO) Okt.22, 2015 – Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Berbera ayaa maanta mudaharaad ku muujiyey, sida ay uga horjeedaan culayska lagu cabudhinayo ee saartay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Mudaharaadkan oo aanay warbaahinta gobolka joogtaa si xor ah u baahin kareyn, kadib culays iyo xadhig joogta ah oo xukuumadu ku haysay bilihii u dambeeyey ayaa ahaa mid dadweynuhu kusoo bandhigeen sida ay maamulka gobolku ugu fashilmeen gudashada shaqadooda.

Magaaladda Berbera oo ay xukuumadu gaysay ciidankii ugu tiro badnaa abid, ayaa haddana u caal-la’ in ay horjoogsadaan cabashada dadka oo ku arooraysa boobka iyo iibinta xukuumadu hantidii dadka ka dhaxeysay.

Haddaba, waxa aanu halkan hoose idiinku soo gudbineynaa muuqaalka kaliya ee laga qabtay mudahraadkaa ee daawasho haboon:

 

 

News Related