Gabileynewsonline.com
SALDANADA SUBEER AWAL MA MID QOYS U ADEEGTAA?
October 20, 2015 - Written by admin

SALDANADA SUBEER AWAL MA MID QOYS U ADEEGTAA?

Haddaad garab i siisiyo
Haddii aad giriiftaba
Gobanimadu waa dhalan
Iyo dhaqan gun weynoo
Taariikhda kuu gala
Waa geed hadh waynoo
Gelin lagu negaan karo
Gocondhiyo qudhaanjiyo
Laga guray qodxaantii
Gobanimo sideedaba
Waa same guddooniyo
Xumaantoo la gees maro
Ama lagaba gaabsado
Xaqoo laga garaabiyo
Garowshiiyo weeyaan
Garashiyo iyo dulqaadiyo
Goorta doqonku caytamo
Ama ganafka kugu dhibo
Sabir gooso weeyaan
Guntu sharaf la gado iyo
Xume lagu galaashiyo
Gacantoo ku xidhantiyo
Gallad sheegad weeyaan

Ixtiraam iyo qadarin ayaan u hayaa saxaafada madaxa banaan ee Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo ku foogan marwalba iftiiminta,bayaaminta, soo tabinta iyo hogo tusaalaynta shacabkooda hadba wixiii jira.Hadii aan hoos ugu dago dulucda maqaakayga kooban oo aan kaga hadli doono ceebta iyo kala xigtiisanta abtirsiinta ku salalaysan ee uu kula dhaqmo Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan musharixiinta uu suldaanka guud u yahay iyo siduu u kala faquuqo ee uu u soo kala dhawaysto.

Guud ahaan waxa loo sameystaa hogaan dhaqameedka hadii uu yahay Suldaan, Boqor, Garaad, Caaqil iyo Ugaasba, maslaxad iyo uruurinta umada uu talada u hayo, marka ay gartu murugtana la isula yimaado oo gudoon lagu wado qanco laga helo.
Sifaha hogaamiyaha, qiyaasta iyo shuruudaha lagu xulan jiray ninka reerku dooranayo waxay ahaan jireen Deganaanshihiisa, dulqaadkiisa, ku dhiirashada odhaahdiisa, cibaadadiisa, Deeqsinimadiisa, Xishoodkiisa iyo Samir adaygiisa hogaan sifahaas leh ayaa la dooran jiray oo la cumaamadi jiray.

Waxaa muran la’aan ah in hoggaamiye dhaqameedku uu bulshada dhexdeeda ka ahaan jiray masuul sare oo xikmad iyo talo laga dayo laguna og yahay in dantiisa gaarka ah iyo ta qoyskiisaba uu ka horumariyo wanaajinta iyo horumarinta danta cida Suldaanka u yahay, waxa uu habeen iyo dharaar u taagnaan jiray in uu arrimaha dhaqanka ka shaqeeyo, waxaana ceeb ku ahayd in la arko isaga oo tiisii eryanaaya oo dhaameel iyo aduun dhaafsanaaya magaciisa.

Kaalin muuqata oo mug leh ayey hogaanka dhaqanmeedku ku lahaan jireen bulshada ay matalaan kuwaas oo ay ka mid ahaayaan jireen:

1)         Inuu umada uu cumaamada u sito ee uu magacooda maalaayo geedka nabadana ku fadhiyo dhex u ahaado oo uu kala saaridooda iyo garsoorkoodaba isagu gooyo, ceeb iyo nusqaan ayey ku lahayd inuu kala xigtayso oo ka habeen xiga dhinaca saaro.

2) Baahida loo qabo hoggaan guud oo ay reeruhu samaysan jireen waxa asal u ahayd in talada iyo tawfiiqda reerku meel ka go’do si tafaraaruq, khilaaf iyo kala qaybsanaan looga fogaado cududa reerkuna meel ahaato xoojintooda iyo adkeynta midnimadooda uu adkeeyo.

3) Iyo fidinta gogol tolnimo oo lagu turxaan bixinaayo khilaafka kaga yimaada reeraha ay oodwayaagta yihiin.

Sidoo kale hoggaamiye dhaqameedku waxa uu lahaa xurmo u gaar ah oo uu ku mutaystay karaamada qabiilkiisu huwiyey, sidaa awgeed waa laga haybadaysan jiray, la ixtiraami jiray, ereygiisa ladhegeysan jiray, garsoorkiisana lagu qanci jiray, taladiisa iyo go’aankiisana lagu go’i jiray, xataa goobta uu joogo cid kale in ay ka ducayso lama jeclaan jirin oo isaga ayaa lagu maamuusi jiray, loona arki jiray inuu duco-yeel yahay.

Ceeb ayay ahayd in nin Saldaan ahi uu baano, ‘Suldaan baanay ama Caaqil baanay beeshii ka bax ayaa la odhan jiray oo caado ahayd, Suldaankaa goonidii wax u soo saaraya isagoon cidna xeerinayn oo ciduu masuulka u ahaa masabidaya oo magicooda dilaaya oo aan wada tashi ogolayn, waxay ahaan jirtay arin ku nusqaan ah cida uu matalo ee uu masuulka ka yahay, balse manta iyo samankan aynu joogno wax walba way isbadaleen oo Suldaanka xiligan joogaa waxa la arkaa oo ay caado iyo dhaqan ka dhigteen inay nin jeclaysi iyo xigtonimo hiil u sameeyaan oo dadka ku kala dhawaystaan jufonimo iyo xigaalnimo taasna waxa tusaale iyo marag fiican u ah suldaanka beesha subeer awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo caadaystay inuu si aqoon iyo garasho fayowbi ka fogtahay ku kala taageero raga hanka siyaasadeed leh ee uu suldaanka u yahay, wuxuu habeen iyo maalinba u boqran yahay kala saarida labada musharax ee Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis isagoo meesha ka saaray musharaxa kaliya ee ilaa hada u taagan jagada madaxwayne waa Jamaal Cali Xuseen musharaxa xisbiga cadaalada iyo daryeel ee UCID, wali lama arag suldaan Xasan oo hiil la garab taagan dadkana u cadaynaaya inuu musharaxiisa yahay Jamaal Cali Xuseen sida uu u garab istaago labada ilma biixi, matago oo kama xaadiro madala Jamaal loogu ololaynaayo oo si badheedha ayuu uga muquurtaa malahayga ayaan marmar is waydiiyaa tallow miyaanuu suldaan guud u ahayn sadexdaa nin mise labada ilma Biixi ayuu ku kooban yahay oo ilmaadeeraystaa.

Dadwaynaha reer Somaliland waxay in badan iswaydiinayeen sababta uu Suldaan Xasan u garab gali layahay aqoon yahanka dada yare e Jamaal CaliXuseen? Runtii  waydiintaasi waxay ayaandaro iyo nusqaan ku tahay saldanada guunka ah ee subeer awal Suldaan Xasan ku simaha ka yahay. waxase geedkama kacdo ah in laga tashado suldaanimadiisa oo mar haduu dhex ka noqon waayey arinka beeshiisa cid kale looga guuro oo loo caleemo saaro waana waajib saraan dhamaaan cida uu taladooda hayo.

Marka aynuu soo ururino waxaa hubaal ah in xil dhaqameedku uu muhiim u yahay tiirka dowladnimada oo ammaanka umada ay ku noolaato isla markaana uu yahay halka ay qarannimada Somaliland ka soo unkantay oo taladeeda iyo dhisideedaba lahaayeen, Guntii iyo gunaanadkiii waxaan ku talin lahaa in dib loo eego mansabkaa ka habaabay beesha uu suldaan Xasan matalo oo la soo celiyo milgihii, maamuuskii iyo sharaftii ay lahayd Saldanadu.

Ha noqon xuuraan warqaad
Ha noqon xaabada dabkiyo
Xansaska jahanaba ka shidan
Xamaasad ku nool ha noqon
Xasaasiya loo la rido
Sidaad xuub caaro tahay
Ayaan xiisuhu ku lulin Suldaan Xasanoow

Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi (Figo)
Email:Mfigo04@gmail.com
Facebook: Mahamuud Ahmed

COMMENTS
Latest News