Published:

Hawd-vs-maroodi-jeex-655x360-300x165Borama (Haldoornews)-Ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa si xaraarad leh u socda , waxana kulan adag galabta ciyaaray kooxaha ka socda gobolada Maroodi Jeex iyo Gobolka Hawad

Gobolka Hawd ayaa soo bandhigay ciyaar aad u sareysay iyaga oo guud ahaan maamulka ciyaarta ka haystay dhiggooda Maroodi Jeex.

Seddex gool oo nadiif ah ayaa lagu garaacay Maroodi Jeex xilli ciyaartooyda labada gobol ahaayene kuwo is ciyaar yaqana maadaama intooda badan ka ciyaaran kooxaha ka dhisan magaalada Hargeysa

Dadka taxliliya ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa horay u saadalinayay in qaranka Maroodi Jeex ay kulankaan dhigi doonaan wacdaro balse riyadaas ma dhicin

Waxaanay Ciyaartii ku Dhamaatay 3-1 oo guushu ku Raacday Gobolka Hawd.

Dhinaca kale Ciyaartii ka socotay Magaalada Burco ayaa iyana barbaro ku Dhamaatay Taasi oo dhex martay labada Gobo lee Togdheer iyo Badhan.

 

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

News Related