Published:

Hargeysa(GNO)October-14-2015- Masuuliyiinta ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inaanu xulka gobolka Maroodijeex ka hadhin tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland. Waxay sharci darro ku tilmaameen go’aanka xidhiidhka ciyaaruhu ku sheegay in gobolka Awdal soo baxay Maroodijeexna Hadhay.

 

Ciyaartii Boorama ku dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex, ayuu buuq hadheeyay kadib markii gobolka Maroodijeex oo qaybtii dambe ee ciyaarta ku hogaaminaya hal gool lagu qabtay Rikoodhe, waxaanu gobolka Maroodijeex caddaalad darro ku sheegay Rikoodhahaasi, waxaana ciyaarta 20 mirir oo ka hadhsanaa u baaqdeen rabshado garoonka hadheeyay.

 

“Calan wadihii intuu soo cararay ayuu awoodii Garsooraha dhexe (Siidhi wadaha) qabsaday islamarkaana tilmaamay inay kubaddu Rikoodhe tahay, caalamkana arrimaha noocaas ah kumaanu arag. Waxaanu aaminsanahay in gobolka Maroodijeex 6 dhibcood leeyihiin oo caddaalad darro lagaga qaaday. Haddaanu nahay maamulkii gobolka Maroodijeex waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay waxba ka jirin waxa warbaahinta laga sheegayo. Ma yeelayno mana aqbalayno go’aanka ay soo saareen(xidhiidhka ciyaaraha), waxaanu jecelahay in naloo caddeeyo. Waxaanu aaminsanahay in sababta ay go’aanka u gaadheen tahay cabsi darteed oo ay ka cabsanayeen ammaanka meesha ay joogeen,” ayuu yidhi Isu duwaha ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex.

 

Maxamed Maxamuud Diridhaba, tababaraha xulka Maroodijeex  ayaa isna sidan uga hadlay cabashada Maroodijeex“ Walaalayaal sidaad ogtihiin caddaalad darro weyn oo aan adunka lagu arag ayaa gobolka Maroodijeex qabsatay. Taas oo nagaga timid degaankii, xidhiidhkii iyo dadweynihii meesha joogay ba, macaal askarta markaan ku daro, waayo? Lama arag aduunka meel 5 kun oo askari xabbado ridayaan kubad ha socotana la leeyahay. Haddaan amni jirin kubad lama ciyaari karo oo waa la og yahay. Waxa ciyaarta ka hor ba jirtay in dadweynaha reer Awdal oo dhani noo dhaaranayeen anaga oo lahaayeen bal reer Hargeysa waxay garoonka kala tagaan ayaynu arkaynaa. Waanu u dhabar adaygnay  markii ciyaartu bilaamatay waxaa nagu bilaamatay handadaad iyo aflagaado nagaga imanaysa dadweynaha iyo Askarta. Iyadoo ciyaartu socoto ayuu shiidku dhacayay. Iyadoo sidaas ah ayay dhalinyarada Maroodijeex kasbadeen inay ciyaarta ku hogaamiyaan gool iyo eber ilaa 75 daqiiqo. Markii Nasashada(Half time) waxaa lagu soo balamay in rikoodhe lagu qanciyo oo rikoodhe loo dhigo, taasna waxaa sababaya gobolka oo sidiisaba khaakhul iyo dhibaato ay dhex taalo oo dadweynihii mucaarad iyo muxaafad kala yihiin,” ayuu yidhi Mr Diridhaba.

 

Cabdikariin Guji oo ka tirsan xulka Maroodijeex, ayaa sheegay in maamulkii garsooraha dhexe uu maroorsaday calan wadaha koowaad, islamarkaana kubad Siidhi waduhu go’aansaday inay socoto ku khasbay in rikoodhe la dhigo “ Waxaanu u dulqaadanay in nala caayo, waxaanu u dulqaadanay in dhagax nalala dhaco, waxaanu u dulqaadanay in xabad nalagu rido, anagoo intaas oo dhan xamilnay haddana yeel mayno in dhibcahayaga nalaga xayuubiyo oo cid kale oo lagu raali galinayo la siiyo, kubaduna xal maaha ee waa la wada ciyaaraa waa la kala guulaystaa,” ayuu yidhi Mr Guji.

Ugu dambeyntiina xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka tirsan golaha degaanka Hargeysa, ayaa wasaaradda ciyaaraha u soo jeediyay inay sharciga mariso cabashada xulka Maroodijeex haddii Awdal lagu maslaxay guusha Maroodijeexna la caddeeyo.

www.Gabileynewsonline.commaroodijeex

News Related