Published:

Burco(GNO)November-26-2015- Siyaasiyiinta la baxay garabka isbahaysiga dimuqraadi doonka Kulmiye ayaa soo dhaweyn farxad galisay kala kulmay shacbiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.  Dadweyne tiro badan oo noocyada kala duwan ee gaadiidka wata ayaa soo dhaweyn xamaasadleh ku qaabilay siyaasiyiinta halkaasi gaadhay.

 

Qaar ka mid ah dadka soo dhaweynta maamulayay ayaa saxaafadda u sheegay in cududdii taageerayaasha Kulmiye yihiin kuwa taabacsan isbahaysiga, islamarkaana calan iyo gaadhi faaruq ah lagu wareejiyay musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Waxay ku doodeen in siday taageeradooda u muujiyeen si la mid ah ay taageeradooda u muujin doonaan degaanno kala duwan oo siyaasiyiinta isbahaysigu ka soo jeedaan.

 

Siyaasiyiinta Burco gaadhay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii shaqada Cabdi Awdaahir Cali, Xildhibaan Waabeeye iyo xubno kale ayaa si farxad leh ugu mahadceliyay taageerayaashooda, kuna dooday inaanay wali arag bulshada Burco oo sidaasi u midaysan

 

https://youtu.be/gVezBUZT89k

News Related