Published:

“Jamaal Cali Xuseen Saddex Sanno Ayuu Musharax Ahaa Laakiin, Reerkayga Waan Aqaan Oo Mujaahid Muuse Biixi Ha Loo Daayo Ayay Odhan..,” Cali Guray Oo Arrimo Dhawr Ah Ka Hadlay + Muuqaal

.

Hargeysa(GNO)November-01-2015- Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray), ayaa xukumadda ku dhaliilay sida ay ugu fashilantay dhammaystirka ciyaaraha gobolada Somaliland ee wajigooda hore qabsoomay. Wuxuu sidoo kale naqdiyay qorshaha Muuse Biixi ku doonayo musharaxnimada iyadoon cidi la tartamin,isagoo dhanka kale is barbar dhig ku sameeyay Musharax Jamaal Cali Xuseen oo Ucid u sharaxan iyo Musharax Muuse Biixi oo Kulmiye u sharaxan.

“Waxaanu aad uga xunnahay in xukumadani suuro galin kari wayday inay qabato ciyaarihii gobollada. Dhalinyaradii, maamuladii iyo dadkii ku hawlanaa oo dhan waxay noqotay in la soo lugooyo uun. 8 kooxood oo ay ahayd markay bari iyo galbeed ka soo dhammaadaan inay Hargeysa yimaadaan, waxaa la ii sheegayaa tiimkaygii Xaysimo oo kooxda aan taageersanahay ahaa bilaa sahay kaga baxayo Hargeysa, oo halkay tagayaan, xuduuda Puntland, magaalada Taleex. Habqankaas ayay ku baxayaan dhalinyaradii iyo kooxihii la soo lugooyay,” ayuu yidhi Cali Guray.

SIdoo kale waxa uu Mujaahid Cali Guray ka hadlay saamaynta uu khilaafka Kulmiye ku yeeshay qaranka “ Khilaafka xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye wuxuu gilgilay Qarannimada Somaliland, wuxuu gilgilay amniga Somaliland, wuxuu khatar galiyay kalsoonidii aynu ku qabnay in dalkani gaadhi karo doorashooyin xor ah oo xalaal ah,” ayuu yidhi Cali Guray.

Waxa uu intaasi raaciyay Cali Guray “Waynu ognahay oo dawladdu way duntay, raggii ugu ad-adkaa ee shanta sanno soo dhisayay degmo ilaa madaxtooyada oo waxan imika jira oo dhan ba iyagu dhisay ayaa mar kaliya is wada casilay markii la yidhi sandulle ku raaca Muuse Biixi. Horta ninka(Xirsi) kaliya ee diiday ee sida anigu aan warka ku hayo odayga ku yidhi raaci mayno waan hambalyaynaya.”

Ugu dambeyntii Mujaahid Cali Guray wuxuu sheegay inaanay suuro gal ahayn in Musharax Muuse Biixi Cabdi kaga codbato Musharax Jamaal Cali Xuseen beesha ay ka soo wada jeedaan, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “ Aroorta haddana waxaydun arki isagoo(Muuse Biixi) reero shirinaya oo leh Jamaal Cali Xuseen isku reer baanu nahay oo wuu I ridayaa, hadda waa ninkii saddexda sanno ka horeeyay ee musharaxa ahaa, ka aqoon badan, khibrad badan oo ka daacadsan,caddaaladda reerkayagana waan aqaanoo, mujaahidka ha loo daayo ayay odhan doonaan, waar Mujaahidka sawniga anigu jooga, anigaa Muuse jabhadda qoraye, markaa meel uu u soo maro musharaxnimo ma taal,” ayuu yidhi Cali Guray.

 

News Related