Published:

 

 

waxaan isku dayi doonaa in aan faalo ka yara bixiyo Wajiga cusub ee Kulmiye isku badeli doono ka dib shirweynahu marka uu dhaco, halka ay ku danbeyn doonaan dhinacyada isbaheystay ee Mucaaradka Kulmiye.

 

Sida aynu la wada socono waxa habeenadan dhagaha iyo indhahaba inaga haystey Murano ay Shaashadaha Warbaahinta isu marinayaan Kooxo ka wada tirsan isla hal xisbi haddana aad moodo cadow kasoo kala jeeda laba dal oo dagaalamaya.

 

waxaynu ka wada dheregsanahey in nimankan maanta xisbiga ku murmayaa ay ahaayeen nimankii shalay soo wada dhisay xisbigii sida weyn ugu guuleystay doorashadii 2010, waxa ay ahaayeen saaxiibo wada jecel xisbigu in uu noqdo ka ugu horeeya ee saxaada siyaasada qabsada, waxay ahaayeen niman aan kala maarmi jirin midba midka kale u boholyoobo, balse maanta midba midka kale ayuu ka dhimanayaa maxaa haddaba sabab u ah naceybka intaa leeg.

 

waxaynu odhan karnaa waa siyaasad waayeel waxa ka taliyey Odaygii ugu weynaa xisbiga waa Oday Siilaanyo oo jeclaystay in uu kala furfuro kooxahan laabta isku haysta waanu kala furfurey maanta oo bari iyo galbeed ayuu kala geeyey garabyadii u horseeday in uu si fudud ugu guuleysto hogaanka dalka.

 

haddaba Muuse Biixi waxa uu tumanayaa durbaan uu la fuuley buur dheer oo aanay soo kori karin saaxiibadiisii shalay la soo hooyey guushii balaadhneyd, markaa waxaad maanta odhan kartaa Muuse biixi waxa uu taagan yahay Anigaa isku Filan ee iga hadha uun, shirweynihiina isagaa qabsanaya waanu iska heli doonaa dad soo fadh-fadhiista oo gacanta u taaga balse waxaanu heli doonaa af-miishaaradii siyaasada guulaha kasoo hoyn jirey waxa uu ka yahay Go’doon, waaney ka ololeyn doonaan.

 

Muuse biixi marka loogu dhawaaqo in uu ku guuleystay doorashadaas isaga ku kooban waxa uu gali doonaa Duufaano hadheeya muuqiisa iyo magaciisaba maadaama aanu haysan nimankii ugu badnaa ee siyaasada caanka ku ahaa.

 

waa hagaag marka ninkaas muuse kalidii xisibigii kulmiye eryado saameynta ay ku yeelan doonaan dhinacyada ka jabay aynu bal eegno.

 

Garabyada Musharixiinta ee Xisbiga Kulmiye waa niman ku tiirsan beelo Muuse Biixi Cod uga baahan yahay waliba marka aynu hoos usii daadegno Saddexda Musharax ee kale laba ka mid ah waa isku beel Muuse Biixi waxaanay kala jabayaan cod Muuse aanu sinaba uga maarmi karin halka Musharax Kijaandhe laftigiisu uu la fuqi doono Beel aan la dhayalsan karin codkooda, waxa kale oo beelahooda ka sakow ay la jabi doonaan taageerayaal badan oo xisbiga ka mid ahaa iyo waliba siyaasiyiin ka buuxa Golaha dhexe laftiisa, waxa sidoo kale kale ka jabi doona Shir Guddoonadii Baarlamaanka oo sida la ogyahay ilaa hadda usii feedhanaya kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka marka uu iska casilo C/raxmaan ciro, taasina Muuse waxay ku keeni doontaa dhabarjab.

 

Maadaama oo Shir Guddoonka Baarlamaanku yihiin halkii Xisbiga Kulmiye kaga adkaadey Xisbigii Udub waxaanay noqon doonaan shir guddoon meel kale u gacan galey, waxaaney Muuse Biixi ku reebi doontaa Guul darooyin aaanu kasoo waaqsan iyo cidhib xumo aan ka hadhin ilaa doorashooyinkiisa danbe.

 

Haddaba Xisbigii kulmiye ee Salka balaadhnaa marka uu sidaas ukala jajabo ma laga filan karaa in uu mar danbe gaadho guushii uu hore u gaadhey jawaabtaasina waxay u muuqaneysaa in ay tahay Maya.

 

Bal Adba qiimee Kulmiyaha Cusub ee Muuse Biixi Gardaadin doono.

 

 

Hassan Yusuf Farah(Burhan)

Hassandeef@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

News Related