Published:

Hargeysa(GNO)November-09-2015- Magaalada Hargeysa oo la filayo in bari uu ka furmo shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa caawa laga dareemayaa ciidamo dheeraad ah oo jidadka ku sugan. Gaadiidka ayaa lagu baadhayaa meelo badan oo magaalada ah, waxaanu boolisku ku foogan yahay ammaanka.

Shirka Kulmiye oo subaxda hore la filayo inuu furmo waxaa lagu dooran doonaa musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka Kulmiye uga qayb gali doona doorashada 2017-ka, kuwaasi oo la loolami doona asxaabta Mucaaradka ah. Waxa la saadaalinayaa in Muuse Biixi si sahlan u noqo musharaxa, halka indhaha lagu hayo midka soo bixi doona Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Saylici iyo Xaglotoosiye oo ku loolamaya jagada madaxweyne xigeenka.

Goobaha la iskugu yimaado ayaa dadweynuhu kaga doodayaan xumadda shirka Kulmiye oo muddooyinkii u dambeeyay khilaafkiisa bulshadu ku mashquulsanayd balse haatan faynalkii gaadhay, dadkuna eegayaan sida uu ku dhammaan doono.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde iyo taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ciidanka heegan galiyay, iyagoo taliska guud kula hadlay booliska. Waxay sheegeen in guud ahaan dalka la galiyay heegan gaar ahaanna Hargeysa.

 

 

News Related