Published:

Hargeysa(GNO):-Waxa habbeenadii u dambeeyay qalabka warbaahinta ee kala duwan laga daawannaayay Xafladdo qorshaysan oo Madaxtooyadda iyo Xisbigeedda KULMIYE ku bixinaayay Lacago aad u badan, kuwaasoo ka dhacaayay qaaraddaha Yurub iyo America meelo ka midda.

Ilo wareedyo kala duwan, ayaa shabakadda caalamiga ah ee Gabilewnewsonline.com u xaqiijiyay in xarunta Madaxtooyadda ee dalka looga arrimiyo iyo Xisbiga KULMIYE ay  Dhaqaale iyo Adduun ku bixiyay in la taageero go’aanka uu qaatay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee ah inaan dib loo dhigi doonin wakhtiga loo muddeeyay innuu qabsoomo Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ku beegan maalinta Salaasadda ee 10-ka bisha

November.Waxa kale, oo Ilahaasi tibaaxeen in Dhaqaalahaas loo qoon-deeyay badankiisa qaaraddaha Yurub iyo America, waxaanna toddobaadkii la soo dhaafay ay Xafladdahaasi si xidhiidh ah uga socdeen qalabka Warbaahinta ay dawladdu gacanta ku hayso iyo kuwa madaxa-banaan ee taabacsan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ah Murashaxa maroorsadday taladdii iyo hogaamintii Xisbigaasi, isla markaanna isku koobay tartanka Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas dhexdiisa.

Qorshahan ay wada diyaariyeen Madaxtooyadda Somaliland iyo hogaanka Xisbiga KULMIYE ee lagu taageeraayay garabka af-gambiga ku sameeyay hanaankii dimuqraadiyadeed ee loo tartami lahaa, ayaa waxa qayb muhiima ka ahayd cambaaraynta iyo aflagaadada Munaasibaddahaa abaabulan ee dhagaraysan looga jeeddinaayay Wasiirradii is-casilay iyo Saddexda murashax ee tartanka laga maroorsadday, balse sheekooyinka waji ku macaashka ah ee Madaxtooyaddu dabadda ka riixayso way isa soo tarayaan, hase yeeshee waa dhawaaq aan meel gaadhayn, maaddaama oo ay bulshaddu ka dheregsan tahay Xafladdaha bahdilan ee Madaxtooyadda iyo Xisbigeeddu soo abaabullaan.

Xafladdahaas kuwii u dambeeyay ee waji ku macaashka ahaa waxa ay xalay ka dhacday Magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxaanna munaasibad kale oo Madaxtooyadda iyo KULMIYE dhaqaalaheedda bixiyeen lagu qabanayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Gabileynews

Hargaysa/Somaliland

 

ShareThis

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=167744#sthash.V2OZ2jFw.dpuf

News Related