Published:

Acuudu bilaahi mina sheydaani rajiim hor iyo horeysaba laye Jinku wuxu sameeyey muraayad cajiib ah oo dherer iyo balaaceeda ciddi qiyaasi karin. muraayadan may ahayn mid sida caadiga ah leysaga arko hase yeeshe waxay ahayd mid humaag kasta oo qurrux badan u badesha mid foolxun, wax kasta oo fiicana u muujisa wax xun. sidoo kale muraayadani fal kasta oo fool xun waxay ka dhigeysey ama u badeleysey wax qurrux badan oo toolmoon. daahfurka muraayadan jaan markii qoladani ku guuleysatey waxay noqotey wax jinku aad ugu wada farxay intii haleyneyd taas oo ula muqatey iney suurto gelin doonto balan qaadkii uu ilaah kaga caasiyoobey oo ahaa in uu aadamaha jar uga tallaabsado oo uu haleeyo intii karaankiisa ah. sidaa ayuu taag iyo tamartiisaba mar kasta uu isugu geeyaa.Tallaabada uu jaanku qaadey oo uu u arakayey mid wax ku ool ah ayuu damcay in uu sii horumariyo isagoo ka fikirayey halkii la dhigi lahaa sidii ilmo aadan turaab ama aadamuhu isaga wada arki lahaayeen.meesha ugu suurto galsan ee la soo dhigayo waxay isla qaateen iney tahay gibbilka inaga sareeya, taas oo noqoty tallo loo wada guuxay. jaanku wuxu ilowsanaa in gibbilka sare malaaigtu ilaalineyso oo ay ku soo ganayaan sawaariikh mar kasta oo ay damcaan iney gibbilka soo dhegeystaan. Bilodayadii humaag kasta doorineysey cafaariid xoog waaweyn ayaa qaadey oo sare ula hayaantey. tahan iyo meel sareysa kolkey la marayaan ayaa waxa qabsatey ayaan daradii ugu weyneeyd. waxa dhacdey in muraayadii burburto oo iyada oo sufur iyo siigo oo kale ah hawada kala raacdo.burburkii muraayadu waxa uu keeney dikhow ku yimi hawadii kaas oo saameyn ku yeeshey dhamaan aadamaha. saameyntaas oo ah in dadka badidooda muraayadii oo siiggo iyo boodh ahi indhaha iyo dhegaha ka gasho. hawshaas oo ilaa hada sadheysa aadmiga iyadoo qurrubyadi ili ma qabateyga ahaa ee muraayadi weli soo daadato dadka qaarna indhaha ka asiibto.hadaba maxaad ku garan kartaa dadka ay muraayadaasi ilaa hada indhaha uga buuxdo ee xidhan okiyaalihii jinka??? akhriste jawaabta meel shishe ha ka doonin.saaxiibada oo keliya ayaad ka eegi kartaa. waxaad odhaneysaa gabadh yar ayaa sidaa lagu sameeyey. wuxu ku odhanayaa abaalkeeda ayaa la mariyey. waxad odhaneysaa nin ayaa cadaalad daradaasi ku dhacdey. wuxu kugu jawaabaya alleylehe ha ku dhacdo.waxaad odhaneysaa bulshadeenu qodobkaas ayey meel dhigatey dawladeeniina wey jabineysaa. waxa uu ku jawaabayaa. siyaasadu sxb malaha iyo leysu joojin maayo. waxaad garaneysa shakhsiyaadka okiyaalha jaanka xidhan iney mar kasta u ololeynayaan xagga taban.mar kasta taageersan yihiin xagga khaldan. weliba okiyaalaha ayaa kala waaweyn oo qaar baa xidhan kuwo waafiya waxaaney ku xidhan tahay qiyaasta siigada ahayd ee indhaha ka gashey intey leekeyd. kala duwanaanshaha dadka ilaah ayaa koreeye ahaaye inoo sheegeyiyadoo quraanka ay ka buuxdo walakin aksara naasu la yaclamuun. dadka badidoodu ma garanayaan ma fahmayaan. aksaradu intee ayey noqoneysaa ka soo qaad boqolkiiba toddobaatan inta okiyaalaha jaanka xidhan. waxa markhaati ma doon ah in mar kasta laga dheereynayo boqolkiiba shan iyo labaatanka indhahoodu fayow yihiin ee wacan. waxase la rabaa in dedaal badan loo gallo sidii inta yar ee wanaagsani inta badan uga siibi lahaayeen bilodayada jaan isla markaana indhaha ugu dhaqi lahaayeen si loo helo bulsho qiyamkoodu fayow yahay oo labada daaroodba liibaanta. waxaynu haysana injineero badan oo guryaha dhisa waxse lama huraan ah ineynu helo injineero badan oo bulshada dhisa.

F.G (sheeko male-awaal ah)

Wacays Axmed Maxamuud

Barre Aduunyowais suit3

News Related