Published:

Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Geeriyooday

Jigjiga(GNO)61ae2a5223fe2701a160b8464724ecae_L)November-17-2015-:- Alla ha u naxariistee waxaa xalay goor danbe ku geeriyooday magaalada Jig-jiga weriyihii weynaa ee caanka ahaa ee soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke .

Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta u xaqiijisay saxaafadda Inanta keliya ee ay walaalo yihiin Axmed Xasan Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan Cawke.

CanabΒ Waxay BBC-da u sheegtay Β in walaalkeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telifoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo , kadibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday .

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .

Axmed Xasan Cawke waxaa la keenayaa Maydkiisa Somaliland oo lagu aasi doono.

 

News Related