Published:

Aljeris GNO)- Iyada oo ay maanta dunidu marayso heer ay madaxda dowladuhu si joogto ah xaaladahooda caafimaad ula socodsiiyaan muwaadiniinta,  warbaahinta dowladduna aanay ka gabban in ay sheegto xaalka caafimaad ee hoggaamiyaha iyo waxa laga yidhi, xitaa haddii hargab helo sidii mar ku dhacday madaxweynihii hore ee Ruushka Boris Yeltsin ama uu buskud uun ku saxdo oo dhakhtar la yara tuso, sida Bush kii Maraykanka oo weliba isagu daqiiqadihii dhakhtarla la tusayey xilkii madaxweynenimo si ku-meel-gaadh ah u wareejiyey sida uu dhigayo sharciga dalkaasi, ayaa shacabka dalka Algeriya oo ka mid ah dalalka ugu muhiimsan uguna shidaalka badan Afrika iyo dunida, ay dadkiisa oo ka badan yihiin 39.5 Milyan oo ruux raadinayaan cid mar uun u sheegta xaaladda runta ah ee caafimaadka hoggaamiyahooda ay iyagu doorteen.

Mar keliya ayaa ay ku war heleen in madaxweynihii qaranka 11kii bishan Noofambar loo qaaday mid ka mid ah dalalka reer Yurub, iyada oo lagu sido diyaarad qalabkeeda caafimaad u dhamaystiran yahay, laakiin cidi uma sheegin sababta iyo xaalka odayga ama waxaa loo sheegay uun in uu baadhis caadiya oo caafimaad u tegey, waxase ayu badan tahay in xaalkiisu ka sii daray.

Madaxweyne Butafliiqa muddooyinkii u dambeeyey aad looguma arko munaasabaaha rasmiga ah iyo madalaha caalamiga ah ee hoggaamiyeyaasha dunidu isugu yimaaddaan marka laga tago marar dhif ah oo la arko isaga oo gaadhi curyaan saaran oo meel la riixayo ama masuul kale ag fadhiya, waxaana in badan dhacda in munaasabadaas ama warbaahinta dowladdaba laga akhriyo dhambaallo lagu sheegayo in uu madaxweynuhu shacabka u soo diray oo ka waramaya xaaladda dalka iyo arrimo ay ahayd in madaxweynuhu uu si toos ah dadka ugala hadlo.

Xukuumadda dalka Aljeeriya ayaa si aad ah ugu dadaasha in aanay bixin sir la xidhiidha caafimaadka madaxweynaha talaxgabay, masuuliyiinta dalkaas ugu sarreeyaana waxa ay ku celceliya in madaxweyne Cabdalcasiis uu si maalinle ah ula socdo xaaladda dalka masuuliyiinta uu hawlaha u igmadayna ku dabagalo.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa muuqata in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xubno muhiim ah oo ka mid ah qoyska Bu-tafliiqa ay ku shaqeeyaan saxeexa iyo sawirka madaxweynaha amarrada iyo tilmaamaha dalka lagu maamulaana ay iyaga ka soo baxaan balse si rasmi loogu ekeysiiyo saxeexa madaxweynaha loogu soo dhejiyo.

Dolwadda dalkaas ayaa hore uga cadhootay warbixinno lagu sheegay in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka Faaliggu, waxa aana xabsiga loo taxaabay saxafigii warkaas diyaariyey, si kastaba ha ahaato ee warkaas xaqiiqadiisu waxa ay soo if baxday markii la arkay madaxweynaha oo mararka dhifta ah ee dadweynaha laga tuso talefishannada ku fadhiya kursiga curyaamiinta, muddo dheerna aan la arag isaga oo taagan, hadlaya ama xitaa xubnaha jidhkiisa dhaqaajinaya.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in madaxweyne Butafliiqa oo xaaladdaas ku jiraa uu doonayo in uu mar kale sannadkan isu soo taago doorashada madaxtinimada, damacaas oo si aad ah kor ugu qaaday codadka dadka aaminsan in aanu madaxweynuhu murashax ahayn ee ay jirto cid kale oo magaciisa ku shaqaysanaysa doonaysana in ay talada sii joogto. waxase ka sii yaab badan in madaxweyne Butafliiqa uu illaa hadda ol’olayaashiisa doorashada ku wado dhambaallo qoraal ah oo laga akhriyo warbaahinta iyo fagaarayaasha iyada oo la sheegayo in ay ka timid madaxweynaha.

Markii ugu dambaysay ee madaxweynaha la arkayna waxa uu la kulmayey wasiir ka tirsan xukuumaddiisa, waxaana kamaradda si gaar ah loogu hayey gacantiisa oo faruhu dhaqaaq yar  samaynayeen, taas oo marag u ah in xitaa dhaqaaqaas yar ee faraha madaxweynuhu ay noqdeen naruuro ay taageerayaashiisu dadka uga dhigaan xujo muujinaysa in uu dhaqaaqiisii weli joogo, wasiirkan oo mar dambe warbaahinta laga weydiiyey in uu madaxweynuhu xubnihiisa dhaqaajin karaana waxa uu ku jawaabay, “Madaxweynaha maskaxdiisu waa ay ka fiican tahay inta badan ee shacabka Aljeeriya, maskaxda ayaanu ka shaqeeyaa, markaa xubnihiisa waxba loogama baahna”

Ciidamada iyo laamaha ammaanka ee dalka Aljeeriya ayaa illaa hadda si adag u taageersan dowladda madxweyne Butafliiqa, waana mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee ka caawiyey in isaga oo xaalkaas ku jira uu weli ku magacownaado madaxweynaha dalka, waxaana jira cabsi ay dadku ka qabaan in ay soo hadal qaadaan caafimaadka madaxweynaha iyo sheekooyinka la xidhiidha xaaladdiisa, ama xitaa ay caafimaad Alle uga baryaan.

Source Geeska

News Related