Published:

CIIDAMADA U ADEEGA TALISKA ISMAIL OMAR GUELLEH OO MAANTA WEERARAY TAAGEERAYAASHA USN TA MEEL AY KU DHIGANAYEEN XAFLAD TAASOO AY CIIDAMADII TALISKU AY KU DILEEN IN KABADAN  50 QOF DHAAWACUNA KABADAN YAHAY 150 QOF.
Maanta ciidamada u adeega taliska ina geele oo weeraray meel ay xaflad ku lahaayeen taageerayaashii USN ta taasoo keentey iney ciidamada u adeega ina geele ay ku laayaan meeshii ay ka ddhacaysay siyaaradu oo ay dad farabadan ku dileen ciidamada dawladu taasoo ay marayso dhimashadu in kabadan 50 qof iyo dhaawaca oo ay tiradoodu kor u dhaaftey 150 qof arintaasoo ah dhibtii ugu balaadhnayd ee abid ka dhacda dalka jabuuti.

Ciidamada ina geele oo weeraray xaafada ay joogeen taageerayaasha USN ee la yidhaahdo BULDHUQUO halkaasoo shacabkii farahabadnaa ee iskugu yimidey loo gaystey dhibaato badan oo aan la soo koobikarin.

Sida uu noo soo sheegay gudoomiyaha macaaradka reer jabuuti ee dalka Belgium MR:MOHAMED ROBLE BURALEH wuxuu sheegay in talisku uu naflacaari yahay oo uu rabo inuu shacabka reer jabuuti dhameeyo oo uu laayo taasina maaha mid aan ka yeeleyno maaha mid aan aqbaleyno.

Mr: mohamed robleh oo nagu soo buuqdey xafiiska warbaahinta ee GABILEYNEWSONLINE.COM maanta ayaa noo cadeeyey inuu dhaawacyahay GUDOOMIYIHII USN AHMED YOUSSOUF HOUMED OO UU DHAAWACIISU HALIS YAHAY OO IMIKA UU DHAKHTARKA YAALO WAXA KALE OO ISNA DHAAWAC HALIS AH WASIIRKII HORE WAQFIGA IYO DIINTA DR: HAMUD OO ISNA DHAAWAC AAD U CULUSI KA SOO GAADHAY XABADIHII AY KU RIDAAYEEN SHACABKA CIIDAMADA INA GEELE.

Mr! Robleh wuxuu sheegay in afhayeenkii USN TA MR: DAHIR AHMED DAF INA maanta la qaadey oo la xidhay xadhigaasoo ah mid xaraan ah oo xaqdaro ah taasina maaha mid aan ku joojineyno halganka aan ku rideyno taliska ina geele ee xaraanta ku haysta dalka jabuuti.

GABAGABADII HADALKIISA MR.MOHAMED ROBLEH WUXUU UGU BAAQAY CAALAMKA daneeya dalka jabuuti waa in laga qabtaa rajiimka ina geele ee laynaaya shacabkiisa gaar nahaan wadanka farasiiska waa inaad soo faragalisaan xasuuqa ka socda dalka jabuuti ee uu gaysanaayo RAJIIMKA ISMAIL OMAR GUELLEH.

GUDOOMIYAHA MACAARADKA REER JABUUTI EE DEGAN DALKA BELGIUM MR: MOHAMED ROBLEH BURALEH XAFIISKA BRUSSELS BELGIUM.

News Related