Published:

xiHargeysa(GNOxi)adweynaha Xaafada New Hargeysa ayaa maalmahanba difaac adag ugu jiray sidii ay u badbaadin lahaayeen xabaalo kuyaala agagaarka waaxda Macalin Haaruun oo Dawladda hoose hor istaagtay inay dayr iskaga wareejiyaan.

Dadweynaha Xaafadan New Hargeysa oo maalmihii u danbeeyeyba fariimo culus warbaahinta madaxa bamaan u marinaayey. Golaha Deegaanka Caasimada iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland, taas oo ay kaga digaayeen dhibaatada ka dhalan karta hadii la isku dayo in cid laga iibiyo xabaalaha ay ku aasan yihiin dadkoodii geeriyooday ee ay ehelka ahaayeen

Dadweynaha xaafadan oo aad uga gadooday markii ay arkeen iyadoo cagaf la galiyey xabaalihii ayaa waxa isla markiiba abaabuleen sidii ay uga dhicin lahaayeenΒ  Dawladda hoose, iyadoo ay baabuur saareen Sameecado taas oo ay isku gaadhsiinaayeen sidii ay u badbaadin lahaayeen XabaalahanΒ  ,

Dhinaca kale ayaa Dadweynaha xaafadan ooΒ  maalmihii ugu danbeeyeyba iska uruurinaayey kharashka deyr weyn oo lagu wareejinaayo Xabaalahan ayaa ku guulaystay shalay inay bilaabaan seeskiisa iyadoo markii ay bilaabeen seeskii Deyrka Xabaalaha ay soo weerareen Askarta Dawladda hoose oo tiro badan si looga joojiyo Deyrkan Xabaalaha taas oo kacdoon iyo cadho hor leh ka abuurtay goobta.

Gabagabadiina waxa goobta yimi Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland iyo Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada ArimahaΒ  Gudaha Kuwaasoo u fasaxay Dadweynaha Xaafada inay Xabaalaha Deyrka ku wareejiyaan.

News Related