Published:

Dhalashada Nabiga Oo Hargeysa Laga Xusay

Hargeysa(GNO)December-23-2015- Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo dhalashada Nabigeena Suuban NNKH ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa. Munaasibadda oo hotelka Maansoor lagu qabtay ayaa lagu waynaynayay dhalashada Nabigeena SCW, waxaana ka qayb galay wasiir kuxigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir iyo haween tiro badan.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay qasaa’id Nabi ammaan ah, waxaana hadalada madasha laga jeediyay lagu ducaysanayay dambi dhaaf. Wasiir xigeenka warfaafinta oo madasha hadal ka jeedisay ayaa ku dheeraatay muhiimada maalintan iyo macnaha ay xambaarsan tahay in la wayneeyo.

 

News Related