Published:

Waxay Al-shabab Somaliland ku eedeysay in Kitaabo lagu baran jiray Somaliland ay joojisay.

 

Hargeysa (GNO) Xukumada Somaliland ayaa Muddooyinkii u danbeyeyba Ciidamadeeda Heegan galisay si ay u adkayso Aamankeeda, warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Xukumada Somaliland soo gaadhen warar ku saabsan dhinaca Aamanka isla markana Ciidamada Booliska la galiyey Feejignaan buuxda. Waxana jirtay warar warbaahintu qortay oo ka soo baxay Kooxaha ka dagaalanta Waddanka aynu jarka nahay ee Somaliya  ee Al-shabab  kuwaasi oo Somaliland ku eedeyey in Kitaamo lagu baran jiray Somaliland la joojiyey sidaasi daradeena ay hanjabad u soo direen,kuwaasi oo sheegay in talaabo ay ka qaadidoonan Somaliland.

Dhanka kale Toodobaadkan ayaa Xukumadu waxay soo saartay qodobo lagu adkaynayo nabbadgelayda Dalka kuwaasi oo lagula  soconayo cid kasta oo nabbedgalayda Somaliland wax u dhimi karta.

Dhanka kale wadamada Soamliland la jaarka ayaa iyaguna Ilaalinta Amaankooda kor u qaaday si ay uga badbaadan wixii Nabadgelaydo darro u keenaya madama lagu jirro maalmihii u danbeyey ee Sannadkan 2015, oo inta baddan kooxaha Nabaddiidku ay ka faa’ideystan, kuwaasi oo ku dadaala sidii ay uga kala gudbilahayeen xuduudaha kala duwan ee caalamka.

News Related