y
Haddii aynnu isweydiinno su’aal aad u fudud oo ah, waa maxay qaddiyadda Somaliland? Jawaab aad u fudud ayaad bixin lahayd oo ah, waa aqoonsiraadis!
Haddiise lagu weydiiyo, waa maxay qaddiyadda ay raadinayaan dadweynaha reer Gabiley – dal iyo dib – waxa laga yaabaa; in qof waliba meel ku dhufto! Waxase aan shaki ku jirin, in dadka reer Gabiley qaddiyadoodu tahay, ka midho dhalinta gobolnimo dhab oo aan dhalanteed iyo dhedo toona ahayn!!!
Waxay ahayd bilowgii 1970naadkii markii aannu aniga iyo da’dayduba ku garaadaysteen, halganka gobolnimoraadiska Gabiley.
Halgankaasi gobolnimodoonka ahina wuxu soo maray marxalado kala duduwan oo la jaanqaadayey hadba waayaha dalku marayo iyo xaaladda taagan. Taasoo macnaheedu yahay, in gobolnimoraadiskaasi Gabiley; uu soo maray xaalado kala duduwan oo firfircooni (activeness) iyo shiiqsanaanba leh (dormant or hibernation period).
Haddaba, innaga oo taasi ka duuleyna iyo xummadda gobolnimoraadiska ah ee haatan aloosan; ayaynnu soo qaadan doonnaa – waa haddii Eebbe idmo e- dhawr qormo oo gaagaaban oo aynnu arrintaasi kaga warramayno.
Qormooyinkaasi oo si taxane ah ugu soo bixi doona (website)yada haddii aynnu nafta haynno oo Ilaahay innagu simo.
Qormooyinkaasi waxaynnu si milicsi ah oo guudmar ah diiradda u saari doonnaa – haddii Eebbe idmo- qodobadan soo socda:
- Milicsiga taariikheed ee halganka gobolnimoraadiska ahi soo maray iyo ciddii waddey ama horseedka ka ahayd bilowgiisii iyo waliba inta aan shakhsi ahaan u soo joogey ee aan ka markhaati kici karo
- Xilliyo uu halgankaasi shiiqay iyo sababaha keenay shiiqiddiisa
- Waqtigii uu waayadii hore ugu firfircoonaa halgankaasi iyo wixii dhaliyey
- Garnaqsiga ah, maxay reer Gabiley ugu sufiyoobeen – gudo iyo dibadba – gobolnimoraadiska
- Talo ku socota hay’adaha dawladnimo ee Somaliland oo ku saabsan qadiyaddan gobolnimada ee Gabiley
- Maxay reer Gabiley ku fulayaan gobolnimo dhab ah? Maxayse ka helayaan? Maxayse gobolnimo dhab ahi kala maqan tahay reer Gabiley?
Iyo talo ku socota dadweynaha gobolka Gabiley – qurbejoog iyo qolqoljoogba- iyo inta reer Somaliland ee qadiyadda gobolnimada Gabiley taageersanba.
Sidaa iyo la socod wacan – haddii Eebbe idmo.
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com