Published:

Guddi Xukuumadda Somaliland u Magacawday isu socodka Somaliland iyo Somaliya oo ka Shiray sidii looga wadahadli lahaa

 “ in laga hadlo isu socodka labada Wadan, waxaa keenay Nabadgalyada iyo duruufaha jira” Wasiirka Duulista

go'aanHargaysa (Waaheen ) Gudi uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u Magcaabay, isu socodka labada Wadan ee Somaliya iyo Somaliland, ayaa Shalay kulankoodii u horeeyay ka dhacay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani). Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha, Arimaha Gudaha, Dib u Dajinta, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha, iyo Arimaha Dibada, Shirka oo uu gudoominaayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr: Sacad Cali Shire, ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirada Maaliyada, iyo Caafimaadka oo iyagu ka mid ahaa Gudiga, labadan Wasiir ayaa kulanka uga baaqsaday hawlo shaqo oo Qaranka u hayeen. markii uu dhamaaday Shirkaasi ayaa waxaa ka war bixiyey, Wasiirka Duulista Hawada oo yidhi. “Waxaanu shir ku lahayn maanta Wasaaradda Duulista iyo hawada, hadii aanu nahay Gudi uu dhawaan u Magcaabay, Madaxweynuhu isu socodka Labada wadan ee Somaliya iyo Somaliland, shirkan oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr: Sacad Cali Shire, Wasiirkii Wasaaradda Dib u Dajinta Cali Siciid Raygal, Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade, uu joogo Wasiirka Caafimaadka Dr: Saleeban Xagla toosiye, iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah gudigan ayaanay u suuro galin maanta in ay noo yimaadaan.” Isaga oo hadalka sii wata wax auu yidhi “waxaanu ka wada hadalay sidii isu socodku u wanaagsanaan lahaa, haday Ganacsi tahay iyo haday socdaalada tahayba, Amaanka iyo Nabadgalyadana loo sugi lahaa, arintaa qodobo ayaanu ka soo saarnay, qodobadaasna waxaanu u gudbin doonaa, Madaxweynaha J/S/L Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo). Shirkan Gudigii uu Magcaabay Madaxweynuhu si fiican ayuu ku dhamaaday, Wasiirka Gudoominayey iyo Wasiirada kaleba aad ayaan ugu mahad naqayaa, in laga hadlo isu socodka labada Wadan, waxaa keenay Nabadgalyada iyo duruufaha jira, waxaanu jecelahay in ay labadaas Dal noqdaan laba Dal oo kala madaxbanaan, oo isu socodkoodu fiican yahay, umadahooduna ay yihiin laba Shacab oo walaalo ah, Nabadgalyaduna ay noqoto mid la adkeeyo, oo aynu ahaano Somaliland iyo Somaliya xidhiidhkaasina sidaa uu ku koro.”

News Related